12 Ruux oo ku Geeriyooday Weerar Ka Dhacay Libiya.

Image result for libya

Weerarkan ayaa waxa loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa siday kaasi oo ka dhacay magaalada Tripoli ee caasimadda Dalka Liibiya,halkaasi oo ay ka socoto diyaar garowga doorasho ka dhacaysa dalkaasi.

Sida laga soo xigtay laamaha ammaanka dalkaasina,weerarkan waxaa ku dhimatay 12 qof halka tiro kale oo aan la shaacin ay ku dhaawacmeen.

Qofka naftii haligaha ahaa ayaa gaadhiga qarxay wuxuu la beegsaday xarunta guddiga doorashooyinka dalkaasi Liibiya,halkaasi oo guddidu ay ka waday diwaan gelinta codbixiyaasha doorashada dalkaasi,waxaana lagu tilmaamaya in uu yahay Weerarkan kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ka dhaca caasimada Liibiya ee Tripoli.

Kooxaha argagixisada ee Daacish ayaa ayaa sheegatay Masuuliyada Weerarkaasi.

Wararka dheeraarka ah ee halkaasi ka soo baxaya ayaa shegay in qaraxa ka dib ay halkaasi ka dhacaday is rasaasayn koobani taasi oo u dhaxaysa Ciidamada Wadanka Liibiya iyo Kooxdii weerarka soo qaaday.

FAALLOOYIN & FALCELIN