Gabay Cusub Doonyaale :  Ismaaciil Aadan Cabdi (Xalleef)

Gabay Cusub Doonyaale : Ismaaciil Aadan Cabdi (Xalleef)

Posted by

  Image may contain: 1 person, standing

 

                                             Doonyaale                                           13/1/2017

  1. Da’da Gabay Beryahan Maxamedow ,,,,,, Daayay oo Dhigaye
  2. Duxna Kuma Leh Doorkii Kastaba,,,, inaad Dalaysaayee
  3. Markay Xaajo Dalab yeelataan,,,, Soo Dalqamiyaaye
  4. Bal DurDuuro Caawaan Arliga,,,, Duul ku Rogayaaye.
  5. Maandhaw Dulmiga Qaarkii Waa ,,, Laga Diqoodaaye
  6. Dullmi Ruuxa Doocaansaday,,,,, Doqon ku Sheegaane
  7. Dugsi Malaha Xaajooyinkii,, Dacar Abuuraaye
  8. Dirkeenana Ka Dheer Baylah Qaran,,, Kii Dudubiyaaye
  9. Danyarta iyo Maatada Ninkii ,,,,, Diirtay Waa Liide
  10. Nin Dantiisa uun Toocsadaa,,, Dunida Ceebowye
  11. Badhaadhaha Dushiisiyo Nimcada,,, Jiifta Degelkiisa
  12. Daymada Ninkii Dhaafiyaa,,, Diraca Weeyaane
  13. Dunidii Samaan baa Ka Dhacay,, Doorkan Maanta ahe
  14. Dagaalada Holcaayiyo Xarbigu ,,, Reebe Diif Adage
  15. Diihaalka Suuriya La baday,,, Doogta Kaakiciye
  16. Dakharada La Yeeliyo Madfaca,,, Lagu Digaasaayo
  17. Diyaaradaha Sulubkiyo Gantada,, Sumuca Daacaaya
  18. Dhalaanka iyo Waayeelka Dilan,,, Dhiiga Duxanaaya
  19. Birma Gaydadiyo Daaciyada,, Laamiyada Daadsan
  20. Maydka Duugta Waayee Dabeed,, Haadku Dabanaayo
  21. Dadkan Diilalyadu Haystee,, Diifta La Ilmeeyey
  22. Dadkan Gaajadiyo Luunka iyo ,,,, Oonku Darayeeyey
  23. Dadkan Cudurka Daacuunka Iyo,, Shubanku Daaduufey
  24. Hadii uu Walaal Doorleh iyo ,,, Danab Xigaa Joogo
  25. Ama Uuu Islaam Diir Naxaa,,, Dunida Guud Joogo
  26. Dimishiq iyo Xalab May Dumeen,, Daawashiyo Ceebe
  27. Falastiin Yuhuudigu Duqayn ,, Kalama Daaleene
  28. Duhur Lama Wareegeen Qasiyo,, Beledkii Doornaaye
  29. Mursi Looma Daayeen into,, Jeelka Loo Diro e
  30. Deldelaad Sadaam Kuma Fusheen,,, Dooxatada Jaane
  31. Liibiya iyo Dalalkii Najaxay ,,, Laguma Duuleene
  32. Muslimkii Dameer Noqay Halqiga,,,, Diirada u Sidaye
  33. Waatanoo Dushaa Gaal Ka Raray,,, Danabadoodiiye
  34. Waa Badh uu Deldelay iyo Badh uu,, Dooxay oo Tegaye
  35. Waa Badhuu Dumaaliyo Badh uu ,,, Furay Dalaaqdoode
  36. Waa Badh uu Xagaagii Dirtiyo,,, Dayrta Geesh Maqane
  37. Waa Badh uu Dilaaliyo Badh uu,,, Quuto Dalagoode
  38. Hadba Qaalintii Dihin Muggee ,,, Doobi Laga Buuxsho
  39. Danbarsade Sidiiyoo Digtoor,,, Daawadood Yidhiye

 

  1. Waa Se Derejadoodii Markay ,,, Diriri Waayeene
  2. Waa Deeqohoodii Markay,, Dacayda Dhiibeene
  3. Waa Doorintoodii Markay,, Diinta Weecsheene
  4. Danbigay Galeen baa Waliba,, Daalac Hadhayaaye
  5. Jeer Daayin Loo Soo Noqdana,,, Guuli Waa Dedene
  6. Ama Dunida Silicaa Ku Jira,,, Aaakirana Daar Xun
  7. Ama Dawga Eebahay Ku Noqo,,, Daacadiyo Diinta!!

 

  1. Afartaa Dareen Aan Qabiyo,,, Dano Islaameed Dheh
  2. Afar Kalena Waan Doorbidaye,,,, Deriska aan Raacsho
  3. Diilimaha Cirjiidhiyo Markaan,, Dirirka Faaleeyey
  4. Dayaxiyo Xidigihiyo Markaan,,,, Naafka Dabin Dhawray
  5. Malluugaha Dagaariyo Markaan,,,, Daydo Falanqeeyey
  6. Ximre iyo Mariiqbaa La Degay,,, Danihii Soomaale
  7. Awaariyo Dabaylaa ka Kacay,,, Degeladoodiiye
  8. Geelii Danood iyo Ka Guur ,,,,,,, Doolo iyo Hawde
  9. Daan Bari Idahu Mayrac Galab,,,,, Uma Dareerane
  10. Bancawl Deeradii Joogtay iyo ,,,, ,,Diiqad Laga waaye
  11. Duleedada Wajaal iyo Lo dii,, Dila Banaaxaysay
  12. Durduradu Mugii ay Gudheen,,, Mawdku Dacal Saarye
  13. Nugaal Durugsan Bay iyo Bakool,, Daaqii Ka Idlaaye
  14. Garbahaaray Doolow iyo Luuq,, Dalag ma Beertaane
  15. Caydhaba Haraadkawga Daran,,, Diifta Gaajadae
  16. Qadoodigu Intii uu Dilaa,,,, Daadsan Kaymaha e
  17. Anse Eebe Muu Dayrinoo,,,, Daabta Muu Odhane
  18. Inta Dheregta Daacaysabaa,, Loo Dan leeyahaye
  19. Iyagaa la Daalacanayaa,, Inay Dedaalaane
  20. Iyagaa Inay Deeq Baxshaan,,,, Doogta Loo Dhigaye
  21. Doqon iyo Ninkaan Dhaadinow,,,, Dan iyo Xeeshaada!

 

 

  1. Afartaa Dareen Aan Qabiyo,,, Dano Islaameed Dheh
  2. Afar Kalena Waan Doorbidaye,,,, Deriska aan Raacsho

 

  1. Darxumada Na Haysiyo Waqtigan,,, Dabada Noo Jeedshay
  2. Danaystaha Siyaasiga ah baa,, Nooga Sii Darane
  3. Diiratiyo Waxay Nagu Noqdeen,,, Kud iyo Daacuune
  4. Dabatiyo Waxay Nagu Noqdeen,,, Dulinka Xoolaaye
  5. Danta Qaran Nin Goobaa Ma Jiro,,, Dayrtan Maanta ahe
  6. Ka Danayso Mooyiye Ma Jiro,,,,Dooji Ruux Yidhiye
  7. Anagaa se Doonyaysta Nidhi,,,,,, Daalin iyo Tuuge
  8. Derajada Anaa Siiyayoo,,, Saaray Dabaq Dheere
  9. Iminkaan Dibboodaa Mugaan,,, Eego Damacoode
  10. Hashii Booli bay Ducanaysaa,, Daabna Waw Halise
  11. Ceelalyada Inoo Dirani Waa,,, Duul Saluug Badane
  12. Dacar iyo Waxay Qooshayaan,,, Sun iyo Deebaaqe
  13. Dakahariyo Waxay Kicinayaan,,, Doogo Nagu Yaale
  14. Durbaanada I Doortaydu waa,, Dabinadoodiiye
  15. Dib u Baxa Na Daayoo Ku Dhaha,,, Waad Na Dubateene!!!

 

Curiye: Ismaaciil Aadan Cabdi (Xalleef)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*