8march Xalkee Ayey Ka Timid Xalkeese U Socotaa

8march Xalkee Ayey Ka Timid Xalkeese U Socotaa

Posted by

Waddamada reer galbeedka ee yidhaahda xuquuqda banidaamka ayaanu ka shaqaynaa , qaar badan oo iyaga ka mid ah wakhti aan fogeen ayaa

Xuquuda bani adaamka ragguna ma dajiyo dumarkuna ma dajiyaan waa xaq ka yimid xagga sammada. Oo la  doonayo in ay fuliyaan bani aadamku.

Xalkee ayey ka timid 8March, maxayse salka ku haysaa

Markii uu bilaabmay kacaankii warshaduhu ayaa shaqaalihii ubadnaa noqdeen raag , dabadeeto waxa saluug ka muujiyey dumarkii oo u arkay in aanay wax badan ku lahaynsaamigii shaqaalaha washada ka shaqeenaya, dumarkii waxa ay bilaabeen  mudahaarado ay ku soo dhacsanayaan xuquuqda shaqo ee ka maqneed, marka ay taariikhdu ahayd  Dec 1977 ayaa qaramada midoobay u aqoonsatay maalinta haweenkaee 8 March.

 

Waddamada reer galbeedka ee yidhaahda xuquuqda banidaamka ayaanu ka shaqaynaa , qaar badan oo iyaga ka mid ah

wakhti aan fogeen ayaa loo ogolaaday in ay gabadhu wax dooran karto, 1971 ayaa iswiisarland loo ogolaaday in ay wax dooran karto, hadda maaha in iyada la doorankaro. Faransiiskana waxa la ogolaaday 1945 ina ay gabadhu wax dooran karto, ingiriiskuna 1928 ayuun ogolaaday in gabdhu wax dooran karto, waa maalin salka ku haysa dhaqan reer galbeed iyo is dulmin aya dhexdooda dulmiyeen.

 

Diintu islaamku maxay ka qabyaa 8da march

Sida aynu kor ku soo xusnay maalintani waxa ay ka timid dumarkii reer galbeedka oo ay dilmiyeen reggii reer galbeedka dhanka shaqada , abaabulkii dumarku sameeyeen ayaa waxa ka soo baxay 8d march,

Ujeedada u weyna waxa weeye in qoysaska la dumiyo si ay bulshadu u kala daadato.

Waa maalin ka soojeeda dhaqan reer galbeed, isku eekaysiin reer galbeed ,sidaa darteed xuska maalintani waa mid aan asal ku lahayn shareecada islaamka.

 

Talo soojeedin

Waxaan u soo jeedinayaa xukuumda s/land iyo ururada ka shaqeeya arrimaha dumarka  in ay ummda ka ilaaliyaan dhaqamada noocan ah ee la leeyahay dumarkii  xuquuq ayaa ka maqan, waa maalintii xuquuqda dumarka taa macnaheedu ma waxa weeye xuquuq aanu illahay siin ayaa siinayaa .

 

W/Q  Axmed Xuseen Ibraahin

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*