Taariikhda Dawlada Sucuudiga iyo qaabkii loo Aas-aasay

Taariikhda Dawlada Sucuudiga iyo qaabkii loo Aas-aasay

Posted by

 

Yaa aasaasay dawlada sucuudiga?

Goorma ayaa  lagu dhawaaqay magaca Boqortooyo?

Immisa Amiir iyo  Boqor  ayaa iska dhaxlay  nidaamka  dawladeed ama Boqor tooyo  ee soomaray Sucuudi Arabiya? Maxay  se  kala ahaayeen magacyadoodu.

Insha Allahu tacaalaa waxa aan  halkan aan idinku soo gudbindoonaaa  taariikhda reer Aalla Sucuud iyo  habkii iyo hanaankii ay u soo mareen yagleelida  dawlada Sucuudiga iyo sidii loogu dhawaaqay Boqortooyada  Sucuudi  Arabiya iyo taariikhda  qaar ka mid ah culimadii seeska u dhigay  Boqortooyada oo uu ka mid ahaa Sh. Maxamed Cabdiwahaab Alle ha unaxaristee . Waxa kale oo intaa dheer oo aynu ku falaqayn doonaa  dagaaladii ba`naa  ee u dhexeeyey  reer Aalla Sucuud  iyo wixii uu

ku  qotomey  ee udub dhaxaadka u ahaa.  Hadaba si taxana ah ayaan wiigiiba laba jeer idinku soo gudbindoonaan si aydun uga faaidaysataan una ogaataan  Boqortooyada Sucuudi  Arabiy taariikhdeeda dhammaad illaa bilaw  iyo waxa ay tahay  iyo saamaynta ay caalamka ku leedahay ba

Nasabka  iyo  Abtirsiinta  Reer   Aalla Sucuud

Reer  Aalla  Sucuud waxa ay ku Abtirsadaan  qabiilada weyn ee looyaqaano  (Cinza) oo ah  qabiilooyinka ugu badan carabta  oo degan Sucuudiga, Ciraaq  iyo Suuriya  sidoo kale  nasabkoodu waxa uu dib ugu laabtaa (Cadnaan) .                                  Hadaba bilawgii  qarnigii 12 naad ee Hijriyada  oo ku began qarnigii 18 tobnaad ee miilaadiga  waxa la wareegay  Imaaradii  ( Darciya)  Amiir Sucuud binu Maxamed Ibnu maqran kaas oo loo aqoon san yahay inuu ahaa mu-asaska  magaca  dawlada Sucuudigu  ku Abtirsato .

Lasco qaybta 2aad  maalinta isniinta ah ee fooda inagu soo haysa  Insha Allah

Qalinkii:Maxamed Muuse Cilmi

Bariise_77@hotmail.com/www.facebook/maxamedbariise

Tel: 0634149171

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*