Al-shabaab oo weerar Ku Qaaday Ciidamo Ka Tirsan AMISOM.

Al-shabaab oo weerar Ku Qaaday Ciidamo Ka Tirsan AMISOM.

Posted by

Gaadhi NOAH ah oo laga soo buuxiyey Waxyaalaha qaraxa ayaa Maanta duhurkii lala beegsada Ciidamo Ka tirsan Ciidamada AMISO oo ay weheliyaan kuwo maraykan ahi.

Ciidamada la weeraray ayaa waxay marayeen duleedka muqudisho iyaga Ka yimid dhanka Afgooye oo ku soo jeeday Magaaad Caasimada u ah Soomaaliya ee Muqudisho ,Gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Weydow.

 

Gaadhiga NOAH hada ah ee weerarka loo adeegsaday ayaa la sheegay in lagu dhuftay gaadhi kale oo kamida gawaadhida Ciidamada AMISOM intaasi kadibna uu qaraxay.

 

Ilaa iyo hada warar Kala Duwan ayaa Ka Soo Baxay Khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay qaraxaasi

Ururka al-shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi iyaga oo war qoraal ah soo dhigay idaacada ku hadasha afka al-shabaab ee Andalus.

dhanka kale ma jiro wax war ah oo ilaahada ka soo baxay Taliska AMISOM iyo laamaha amaanka ee Dawladda Somaaliya.

wararka ka soo kordha kala soco HCTV.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Get Widget
%d bloggers like this: