Deg-deg : Guddida Doorashooyinka Somaliland oo La Hadlay Warbaahinta

Deg-deg : Guddida Doorashooyinka Somaliland oo La Hadlay Warbaahinta

Posted by

 

Guddoomiyaha Gudida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Afhayeenka guddidaasi Siciid Cali Muuse oo wada jir ula hadlay warbaahinta ayaa faray in guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda in aanay qaadanin wararka lagu baahinayo meelahaas kuwaas oo sheegaya in lagu kala horeeyo codadka la dhiibtay.

sidoo kale waxa ay balan qaadeen in ay soo saari doonaan natiijadda ugu danbaysa ee codbixinta doorashadda madaxtooyadda Somaliland “Weli waxa aanu wadnaa tirinta codbixinta, mana jirto ilaa iminka natiijo aanu soo saarnay, waxaanan farayaa dadku in aanay rumaysanin waxyaabaha lagu baahiyay meelahaas” ayay yidhaahdeen
sidoo kale waxa ay xuseen in muddo lix maalmood ah ka dib ay si rasmi ah u soo saari doonaan natiijadda codbixinta doorashada madaxtooyadda somaliand “Natiijddu waxa ay noqon doontaa 17-ka bisha ama 18 ayaanu ku dhawaaqi doonaa natiijadda hadii aanay wax cabasho imanin”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Get Widget
%d bloggers like this: