Nin Shaqaale ah Oo Lagu Qalday Mushaar Dhan Nus Malyuun Doolar

Ninka shaqaalaha ee u dhashay dalka Australia waxaa si khalad ah looga soo shubay 100 jibaar lacag ka badan mushaarkiisa caadiga ah ee uu bishi qaato iyada oo khaladka uu ka dhashay lacagta marka la qorayey oo ninkan loo soo shubayey.

Ninkan shaqaalaha ah wuxuu bishi mushaar ahaan uu u qaataa oo uu sugayey in akaawnkiisa looga soo shubo A$4,921.76 oo doolarka Australiya ah, balse wuxuu akaawunkiisa uu ku arkay A$492,176 ($360,700; £280,250) oo ku jirta.

Khaladka dhacay ayaa wuxuu xisaabiyaha guud uu ku sheegay khalad bani aadam oo dhacay.

Balse ninkan shaqaalaha oo ka shaqeeyo dhul fog oo waqooyiga dalkaasi Australia ku yaalla ayaa wuxuu iska soo celiyey lacagta sida khaladka ah looga soo diray.

Xiisaabiyaha guudna wuxuu sheegay in diritaanka lacagtaasi ay dhacday afar usbuuc ka hor, balse soo celinta lacagta ay dhacday dhawaan maadaamaa ninka uu ka shaqeeynayey meel fog oo ay muddo ku qaadatay inuu yimaaddo laanta bangiga lacagta sida khaladka ah ugu soo diray.

Khaladka oo lagu sheegay midda ugu horreysa iney tahay khalad bani aadam, khaladka labaadna uu ahaa nidaamka uu bangiga ku shaqeeyo oo loo baahnaa inuu khaladkaa markaaba uu soo saaro.

Warbixinta waxay intaa ku dartay ninkan inuu ka mid noqday 743-ka shaqaale oo xafiisyada dowladda ee waqooyiga dalka ka shaqeeyo oo si khaldan lacaga looga soo diray inta u dhaxeysay 2017-kii-2018-ka.

Lacagaha sida khaldan shaqsiyaadka looga soo diray oo gaarayey $767,000 oo doolar waxaa la soo celiyey dabayaaqada bisha January ee sanadkan.

Waaxda xogta iyo adeegyada ee Xisaabiyaha Guud ayaa waxay sheegtay 1.2 milyan oo mushaar shaqaale oo bil walba la bixiyo 0.2% oo khalad ah inuu sanad walba uu ka dhaco.

Waxaana la billaabay ayey tiri nidaam gacanka ka geysanayo in laga hortago khaladaadka noocani si ay mar dambe u dhicin.

Xigasho Bbc Somali