Ethiopia: Colaada Qawmiyadaha oo ku fiday Galbeedka dalkaasi

Saddexdii maalmood ee u danbeysey ayaa dad ka badan 44 qof lagu diley iska-hor-imaad ka dhacay galbeedka Itoobiya kaas oo u dhexeeyey laba qowmiyadood.

Sida laga soo xiganayo dadka degan ismaamulka Benishangul-Gumuz ee galbeedka dalkaasi, shaqaaqada ayaa bilaamatey Jimcihii lasoo dhaafay kadib markii afar qof oo Dowladdooda ka tirsan lagu diley dhulka Oromada oo ay xaduuda wadaagaan.

Kadib dilkaasi ka dhacay Oromia ayey dadka degan Benishangul-Gumuz weerar ku qaadeen dadka asal ahaan ka soo jeeda Oromada ee gobolkaas la degan kaas oo horey loo oran jirey Kililka lixaad. Kumaankun qof ayaa lagu khasbey in ay guryahooda isaga qaxaan.

Maamulka Benishangul-Gumuz ayaa Salaasadii dowlada Federaalka Itoobiya ka dalbaday inay dhulkaasi usoo diraan ciidamada Federaalka si ay gacan uga siiyaan sugida amniga, sida lagu shaaciyey maanta jaraa’idka kasoo baxa dalkaasi.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo isagu ka soo jeeda qawmiyadda Oromada ayaa ballan qaadey in uu Itoobiya ka sifeyn doono dagaalada salka ku haya Qawmiyadaha, oo inta badan Oromadu hormuud ka tahay.

Qawmiyadda Oromada ayaa horey dagaalo ulla gashey Soomaalida, waxaana ay dileen boqolaal qof iyaga oo barakiciyey kumaankun oo kale.