Somali News

Kooxo hubaysan ayaa saaka badhtamaha magaalada Qardho ku weeraray Kornayl Siciid Caarre

By Ahmed Cige

December 30, 2018

Kooxo hubaysan ayaa saaka badhtamaha magaalada Qardho ku weeraray Kornayl Siciid Caarre, oo hoggaamiyaha Jabhad fadhigeedu yahay Puntland oo Somaliland ka soo horjeeda.

Kooxda ayaa ka xaystay gaadhigii gaar ka ahaa ee Kornaylka. Wariyaha HCTV , ayaa sheegaysa in hadda ay socdaan waan waan Odayaasha deeganku wadaan oo la doonayo in kooxda lagaga soo celiyo Gaadhiga.