Warbixintani oo ay baahisay / petroleum africa.com waxa ay Shirkadda Genel Energy ayaa sheegtey inay dhamaystirtay sahanka Saliida ee ay ka waday Somaliland, gaar ahaana SL-10-B/13 block, halkaasi oo ay 75% saami ah ku leedahay shirkaddu.
.
Hase yeeshee, shabakadani oo soo xiganaysa shirkaddu waxa ay tidhi “ Somaliland bloga magaciisa la yidhaahdo SL-10-B/13 block, oo ay shirkadda Genel leedahaya 75%, isla markaasina ay ka hawlgasho, shirkaddu way dhamaystirtay hawlihii sahanka waxaanay wadaa faah-faahintii macluumaadkii ka soo baxay sahanka oo ay hadda gacanta ku hayso”.
Sida warbixintu sheegtey shirkadda Genel waxay bilawgiiba sheegtay in block-gani ay ku rajo weyntahay In laga helo saliid hydrocarbon potential. Waxaanay intaasi ku dartay in hawsha qodaalka la bilaabi doono ceelasha u horeeya sannadka 2020-ka.
Sidoo kale waxa ay shirkaddu sheegtey in loo baahan yahay sahan dheeraad ah oo lagu sameeyo deegaanka Oodweyne si loo dhamaystiro xog dheeraad ahna lagaga ogaado xaddiga khayraadka ku jira.