Jabhad ku hawlan inay bedesho Khariidada Geeska Afrika

Addis Ababa, January 25, 2019 (HCTV.TV) Jabhad ay leeyihiin qawmiyadda Canfarta ee dalka Eritrea, balse xarunteedu tahay dalka Ethiopia ayaa ku hawlan inay isbedel ku samayso khariidada Geeska AFrika.

Jabhadani oo magaceeda la yidhaahdo RSADO waxa ay la dagaalantaa dawladda Eritrea, waxaanay doonaysaa in ay wadan cusub ka samayso dhulka ay degaan qawmiyadda Canfarta ee dalkaasi.

Sida lagu baahiyay bogga ururkani ku leeyahay Internetka ee http://www.dahlaka.com, ururkani ma doonayo oo keli ah inuu Eritrea ka gooyo dhulka Canfarta, balse waxa uu qorshihiisu yahay in marka hore Eritrea looga raadiyo maamul goboleed hab federal ah marka dambena ay gaadhaan ilaa aayo ka tashi.

Ururkani oo keli ah maaha ururada Canfarta ee ka dhaq-dhaqaaqa Geeska Afrika, balse waxa jira dhawr urur oo kala duwan, kuwaasi oo ay qaarkood aaminsan yihiin in Qawmiyadda Canfarta hal dawlad loo sameeyo oo laga gooyo Djibouti, Ethiopia iyo Eritreaba.