“Waxaanu ka taageeraynaa Somaliland gaadhista qorshaheeda horumarineed”

.

“{saldhig UK ku yeelato Berbera waxa xaqiiq ah inay ka horiman doonto dawladda Farmaajo ee Muqdisho” warbixin Baarlamaanka UK

London, January 27, 2019 (HCT.TV) “waxaanu ka taageeraynaa Somaliland gaadhista qorshaheeda horumarineed” Sidaa waxa lagu yidhi warbixintii sannadlaha ahayd ee ay Baarlamaanka dalka UK ka soo saareen xaaladda dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadii Soomaaliyeed oo ay 17-kii bishani ku daabaceen page-ka ay internet-ka ku leeyihiin (documents).

Warbixintani oo aad u dheer waxa ay kale lagu yidhi  “Dawladda UK waxay ahayd mid taageerta Somaliland, marka laga yimaado inay ka joogsato doonisteeda madax banaanida. Bishii February ee 21018-kii Lord Ahmad  Wimbledon wuxuu yidhi waxa ka go’an UK inay taageerto barwaaqo wadaag ah iyo amni ay helaan dadka reer Somalia oo ay ku jirto Somaliland. Dawladda UK waxay u hambalyeysay doorashadii madaxweynaha Somaliland guushii uu ku guulaystay madaxweyne Biixi, waxaanay  dirtay koox goob-joogayaal ah oo ay tiradoodu dhantahay ilaa lixdan. Dawladda UK waxay kala shaqaynaysaa dawladda Somaliland oo ay ka taageeraysaa inay gaadho qorshayaasheeda horumarineed iyo isbedelada muhiimka ah. “Waxaanu ka caawinaynaa gargaarka bani’aadminimadda, taageeradda horumarka dhaqaale, dhiirigelinta maamul wanaaga iyo helista cadaaladda”

Hase yeeshee, warbixintani waxa kale oo lagaga waramay booqashadii uu Wasiirka Gaashaandhiga Ingiriisku ku yimid Somaliland. Waxaana lagu yidhi “ Wasiirka Difaaca UK Gavin Williamson ayaa booqday Somaliland horaantii January 2019. Waxa jirey warbixin aan la xaqiijin oo sheegaysa in {wada hadalada Wasiirka iyo madaxweynaha} ay ku jirtay qorshe ay UK ku doonayso inay saldhig kaga samaysato magaalada Berber, samaynta arrintani way hawl badantahay sababta oo ah waxa ay xaqiiqdu tahay waxa ka horimain doona dawladda Farma ee fadhigeedu yahay Muqdisho.