Ciidanka Bileyska Somaliland oo Xabsiga dhigay 28 carruur ah

Hargeysa, January 29, 2019 (HCTV.TV)  Ugu yaraan 28 ka mid ah caruurta Derbi Jiifka ee magaalada Hargeysa ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay mudaharaad cabasho ah ku tageen xarunta Wasaaradda Shaqadda, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada saaka arroortii, iyaga oo ka cabanaya darxumo haysata.

Hase yeeshee, sida ay wararku sheegeen, markii ay carruurtani tageen xarunta Wasaaradda waxa ay Wasiiradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Hinda Gaani ayaa ciidanka bileyska  u dalbatay inay dhalinyaradani ka hor kaxeeyaan xarunta Wasaaradda, isla markaana markii ay bileysku meesha yimaadeen ayay qaqabteen dhalinyaradii goobta cabashada u yimid.

Wasaaradda shaqadda iyo Arrimaha Bulshadu waxay gacanta ku haysaa xarun ay ku xanaanayso derbi-jiifka oo ku taala xaafadda Maxamed Mooge ee degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Xaruntani oo muddo sannado ah shaqaynaysay, dawladda Somaliland iyo hay’adaha samafalka ee ka hawlgala ayaa isku khilaafsan, gaar ahaana hay’adda UNICEF oo rumaysan in xarun u samaynta caruurtu ay u egtahay nooc Jeel, sidaasi darteedna Wasaaradda ayaa kelideed gacanta ku haysa xaruntaasi.

Ma cadda in carruurtani Derbi Jiifka ahi ay yihiin kuwii xaruntaasi ku jiray iyo inkale, hase yeeshee xadhigani loo aanaynayo inay Wasaaraddu amartay ee xabsiga loogu taxaabay Carruurtani ayaa magac xumo ku keenaya dalka Somaliland.