Daraasadani oo lagu baahiyey wargeyska la yidhaahdo Nature Geoscience, waxay muujinaysaa inuu dhulku haysto magnad hoor ah oo aanay da’diisu waynayn isla markaana bilaabay inuu adkaado, taasi oo xoojinaysa awoodda magnadka ee dhulka taasi oo ka hortegaysa in dabaylaha uunku ay xaadhaan awoodda magnadka iyo soo jiidashadda ka hortagi karta. ‘Marka lagu darro 14 xoggood oo sheegay in habka iska caabinta ee hirarkani ay hooseeyaan awood ahaan, haddana waxay dhamaantood isku raaceen in magnadkani geodynamo la saadaalinayo inuu noqdo mid awood badan, isla markaana adkaanaysa oo xagga hoose ka koreysa isku xidhnaanteeduna ay kobcayso” ayay yidhaahdeen cilmi baadhayaasha daraasadu.
Cilmi baadhayaasha ayaad adeegsanaya tusaalayaal ay ka qaadeen plagioclase iyo clinopyroxene bariga n Quebec, ee dalka Kanadda ay heleen magnadyo qiyaastii ah inta u dhaxaysa 50 ilaa 100 nanometers xaddi ahaan, taasi oo ku noqotay mid la yaab badan.