Maxay ka Wada Hadleen RW Khayrre iyo Uhuru Kenyatta ?

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Uhuru Kenyatta, ayaa aqalka madaxtooyada kulan kula qaatay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliy Xassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga Kenya.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin la dagaalka argagaxisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo si xoojinta xidhiidhka labada dal.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and suit

Hassan Cali Khayre ayaa madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo shacabka Kenyanka ah ka tacsideeyay weerarkii 15 bishan ururka Al shabab ay ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi.

Madaxwaynaha Kenya Mr Kenyatta ayaa ku amaanay Soomaaliya sida Wanaagsan ee u kobcayo dhaqaalaheeda, isdhex-galka arimaha bulshada iyo la macaamilka dalalka caalamka.

Uhuru Kenyatta ayaa waxaa u sidoo kale sheegay in ay Kenya kaalin wayn ka qaadanayso dib u soo celinta ammaanka iyo dibu-dhiska Soomaaliya.

Abdirashiid Obsiiye,HCTV Nairobi.