Hogaamiyaha Khaatumo oo Hargeysa kusoo Laabtay.

Hogaamiyaha khaatumo,Dr.Cali Khaliif Galaydh ayaa Maanta Soo Gaadhay Magaalada Hargeisa.
Dr cali, waxaa Madaarka kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali waraabe iyo Xubno kale.

Dr cali khaliif ayaa ka gaabsaday inuu warbaahinta u sharaxo qorshaha soo laabashadiisa, balse Xogo uu helay HCTV ayaa tilmaamaya in Dr. Cali Khaliif, uu Hargeisa u yimi  sidii loo ambaqaadi lahaa  Wadahadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo Khaatumo oo hakad Galay intii uu xilka hayay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor