Kenya oo Dalbatay 10 Diyaaraddaha 737-Max 8 ee Dunidu ka Shakiday.

Image result for kenya airways

Dawladda kenya ayaa sheegtay in aanay joojin doonin iibsiga 10 diyaaradood oo la mid ah diyaaradii dhawaan ku burburtay dalka Ethiopia, ee nooceedu ahaa 737-Max8 oo ay ku dhinteen 157 qof oo 36 ka mid ahi u dhasheen kenya.

kenya ayaa ku doodaysa in diyaaradahaasi ay dalbadeen intii aanay dhicin ka Hor.

Gudoomiyaha shirkadda diyaaradaha Kenyan Airways Michael Joseph, ayaa sheegay in shirkaddu ay hore u dalbatay toban diyaaradood oo qiimahoodu ku kacayo $ 1.2 Bilyan, sida uu daabacay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya.

Mr.Michael ayaa intaasi ku daray inkasta oo diyaaradaasi ay la nooc ahayd diyaaradihii ku burburay Ethiopia iyo Indonesia ee ay ku dhinteen in ka badan 346 qof, balse shirkaddoodu ay ku adkaysanayso in ay hesho diyaaradahii ay dalbatay oo la nooc ah kuwa burburay.

waxaa uu rajjo ka muujiyay in cilladdaasi ay xallin doonto shirkadda Boeing, inta ka horaysa xiliga diyaaradaha ay dalbadeen soo galayaan gacanta shirkadda.

inta badan wadamada caalamka iyo shirkadaha duulimaadka ayaa shakki wayn ka muujiyay diyaaraddaasi nooceedu yahay 737-Max 8 kadib markii 5 bilood gudahood ay gashay laba shil oo dad badani ku dhinteen.

Image result for kenya airways
Shirkadda Boeing ee samaysa diyaaraddani 737-MAX 8 ayaa ku hawlan sidii Cilladaasi shakiga abuurtay looga sixi lahaa diyaaradaasi nooceeda aduunku ka shakiyay, maadama ay ka iibka diyaaradaasi uu soo xareeyay lacag ka badan $57 bilyan .