Kenya oo Sheegtay in Qaramada Midoobay Ay Lacag Siiso Al-Shabaab.

Salaasa 2.4.2019 [HCTV] : Sida uu Daabacay Wargeyska Standard, Diblomaasi sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, oo lagu magcaabo Macharia Kamau, ayaa sheegay in Qaramada midoobay %10 ka mid ah dhaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya loogu Talo Galay ay siiyaan Xarakada Al-Shabaab, si ay u nabad galiyaan hantida gargaarka ee UN-ku ay doonayaan inay gaadhsiinayaan dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ururkaasi.

“waa mid aan la aqbali karin oo ka hor imanaysa dhaqanka Qaramada Midoobay, in ay maalgaliso urur argagixiso oo ay siiso lacag baad ah, si ay ugu ogolaadaan dariiq ay mariyaan gargaarka, taasi waa in la joojiyaan, qaramada midoobay waa inay noqotaa tusaale wanaagsan” ayuu yidhi Amb Kama sida ay ku warameen warbaahinta kenya.

waxaa uu sheegay in dhaqaalaha Garaarka ahaa ee Aduunku ugu talo galay Soomaaliya oo uu ku qiyaasay Sh120 Bilyan oo Shilinka Kenya ah oo u dhiganta in ka badan 10 milyan oo doolar, ay Al-Shabaab u gacan gashay lacag qiyaas ahaan ku dhaw $12 Milyan oo ka mid ah wadarta guud, taasi oo uu ku tilmaamay maalgalin xoog leh oo ay ku dhismeen Al-Shabaab.

“ficilka iyo hadalka Qaramada Midoobay way iska Hor imanayaan” Macharia Kamau

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa ay ansixisay sharci Mamnuucaya in dhaqaale la siiyay Ururada loo aqoonsan yahay Argagixisada ee Caalamka.

Ma jirto cid ka tirsan Madaxda Qaramada Midoobay oo ka jawaabtay eedaynta kenya ee ah QM inay lacag siisay Al-Shabaab.

 

HORN CABLE TV.