Sucuudiga Oo Malaayiin Dollar Siiyey Carruurtii Weriye Jamal Khashoqji

Riyaadh (HCTV) – Dawladda Sucuudiga ayaa Malaayiin dollar Iyo guryo siiyey Afarta Carruurta ah ee uu ifka kaga tagay Weriye Jamal Khashoggi oo la rumaysan yahay in Amar ka soo baxay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan loogu dilay Qunsuliyadda Sucuudig ee Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Lacag lagu qiyaasay Malaayiin Dollar iyo Guryo ayaa la siiyey Carruurta, waxaana loo sameeyay ballan-qaad ah in bil walba la siiyo Lacag aan Cadadkeeda la sheegin oo biil ah, sidaana waxa Maanta ku warramay Wargeyska Caanka ah ee Washington Post oo Weriyaha la dilay ka hawl-geli jiray.

Wargeysku wuxuu sheegay in Boqortooyada Sucuudigu isku dayeyso inay soo dhawayso Qoyska Weriye Jamaal Khashoggi isla-markaana ku qanciso inay ka tanaasulaan inay Boqortooyada ku eedeeyaan Geerida Aabbahood, wallow aanay illaa hadda iyago si cad uga hadal dilka Aabbahood.

Waxa kale oo uu Warkiisa ku sheegay Washington Post in Lacagta la siinayey Qoysku ay noqon karto tobanaan Milyan dollar oo uu ku tilmaamay inay tahay Dhiiggii Jamaal, bilaha soo socdana lagu wareejinayo siduu ka soo xigtay Qoyska Reer Jamaal.

Hore waxa loo soo weriyey in Carruurta Jamaal ay guryo u dhigma Afar Milyan oo dollar laga siiyey Magaalada Jiddah, gaar ahaan Degaanka uu ku noolaan jiray Walaalkooda weyni.

Labada Hablood iyo labada Wiil ee uu Ifka kaga tagay Weriye la dilay ayaan dilka Aabbahood marna ku eedaynin Boqortooyada, halka dunida kale oo dhami dilkaa aad ugu dhaleecaysay Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan dhaxal-sugaha koowaad ee sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo hore dilka ka dib Magaalada Jiddah kula kulmay Wiilka ugu weyn Carruurta Jamaal Khashoggi.

 

Horn Cable Tv