Somaliland oo Kiisas Ka Duwan kuwa Jabuuti u Haysata Axmed C. Geelle.

                                          Midig : Mad.Muuse Biix/ Bidix. Ganacsade Axmed Cismaan.

Iyadoo Dadwaynaha Somaliland ay aad u Falanqaynayaan is Maan-dhaafka u dhexeeya Ganacasade Axmed Cismaan Geelle iyo Bangi laga leeyahay Faransiiska oo fadhigiisu yahay Djibouti oo lagu Magacabo BCIMR. ayaa Xukuumadda Somaliland waxay ganacsadahaasi u jeedisay Eedaymo hor leh oo ka duwan kuwii Bangiga ee uu hore u wajahayay.

XUKUUMADDU  MAXAY TIDHI ?

Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, oo maanta warfidiyeenada la hadlay ayaa akhriyay warsaxaafadeed ay ku jiraan laba eedaymood oo Xukumadda Madaxwayne muuse biixi u jeedisay Mulkiilaha Shirkadda GSK Axmed Cismaan Geelle.

EEDDA 1-AAD

xukuumadda Somaliland waxay u haystaa Ganacsade Axmed Geelle, inuu qaab sharci darro ah warqado uga uga qaatay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Cadaaladda ee Somaliland.

“Nasiib Darro Mulkiilaha Shirkadda Deynta loo Sheeganayo ee GSK, Axmed Geelle, waxaa uu uu si sharciga Baalmarsan uga soo qaatay waraaqaha iyo Qoraalada Dacwadiis warqadaha dacwadda deynta loo sheeganayo khuseeya, wasaaradda arrimaha Dibada iyo Caddaaladda, arrintaasi oo  ah Gaf Sharci ” sidaas waxaa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada.

EEDDA 2-AAD.

Af-Hayeenku waxaa uu sheegay in Warqadahaasi uu ganacsaduhu u gudbiyay madax-dhaqameed uu ku tilmaamay Warmoog.

” Qoraalada iyo Waraaqahaasi wuxuu u gudbiyay kuna abaabulay si Beelaysan,Madaxdhaqameed War moog ah oo aan waxba kala socon arrintan,wuxuu ka Been Abuuray warqadahaasi oo uu madax dhaqameedka ugu sheegay Waaran qabasho ah oo loo jaray Axmed Geelle”

isagoo Hadalkiisa sii Watta waxaa uu yidhi af-hayeenku ” arrintaasi waxay kicisay caadifad beelaysan, Ganacasde Axmed geelle Wuxuu doortay inuu ka talaabsado sharciga, Beelo Abaabulo, dalkana Nabad Galyadiisa isku Dayo inuu khal-khal galiyo” ayuu yidhi.

Eedaymahan kasoo yeedhay Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqda kuwo aan la filayn oo ka duwan eedayntii ganacsadaha kaga imanayay dhinaca Jabuuti.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA