Wada-Hadallo U Socday Xisbiyada Somaliland Oo Natiijo La’aan Ku Dhamaaday

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Wada-hadallo ay Maalmihii u dambeeyay Magaalada Hargeysa uga socday Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland.

Wada-hadalladan oo la doonayey in heshiis lagaga gaadho muran Xisbiyada u dhexeeyay oo la xidhiidhay dib u dhaca Doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo Wakiillada iyo Guddiga Doorashooyinka oo Xisbiga WADDANI doonayo in la kala diro, ayaan laga gaadhin wax natiijo ah.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,  oo Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Maalmahan waxa loo dheg taagayey Wada-hadalladii Xisbiyada, Muddo dheer baanu wada-hadleynay Saddexdayada Xisbi iyo Gooni gooniba. Anigoon tafaasiil u galaynin, Ummadda waxaanu u sheegaynaa in arrintaasi ay natiijo la’aan ku dhamaatay, wax saddexda Xisbi isla qaateen oo ay meel isla dhigeen si ay inoogu suurto-gasho habsami u socodka doorashadu ma jirto.”

Guddoomiye Jirde wuxuu sheegay inay Xisbi ahaan soo saarayaan War ku caddaynayaan Cidda leh eedda ah in Xisbiyadu heshiis gaadhi waayaan “Tafaasiisheeda iyo Ciddii eeddeeda lehna war gaar ah ayaanu ka soo saari doonaa..”

Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera Somaliland oo Toddobaadkii hore Safiirro ka socdaa yimaaddeen Hargeysa, ayaa waxay Xisbiyada oo ay la kulmeen kula taliyeen inay heshiis ka gaadhaan khilaafaadkooda, haddii ay iyagu Qaadhaan-bixiyeyaal ahaan wax iska waydiin doonaan Somaliland.

Horn Cable Tv