IOM: Berbera Iyo Boosaaso Marinka Muhaajiriinta

Hargeysa, (HCTV) – Hay’adda la socodka Muhaajiriinta ayaa sheegtay in Berbera iyo Boosaaso ay yihiin marinka muhaahiriinta doonayo inay ka talaabaan Gacanka Cadan ee doonaya inay galaan dalka Yemen.

Waaanay hay’addu intaa ku dartay in tiro ka badan 99,000 muhaajiriin ahi ay gaadheen dalka Yemen 2017-kii kadib markii ay ka soo gudbeen xeebaha Berbea iyo Boosaaso ee Somaliland iyo Puntland, waxaana halkaasi ku sugan kooxo mukhalasiin ah oo dadka gudbiya.

Hase yeeshee hay’adda Muhaajiriintu waxa ay tilmaantay in tababaro loo sameeyey  hay’addo dawlada Somaliland ka tirsan oo hubiya baasaaboorada iyo waraaqaha socdaalka ee dadkaasi ka gudbaya xadka Somaliland ee ku taala Geeska Afrika.

“Horumarinta awooda lagu qiimeeyo waraaqaha socdaalka ee mukhaajiriinta ayaa waxa muhiim noqotay in aanu ka taageerno dawlada, waxaana socda dedaalo lagula dagaalamayo dadka tahriibinta dadka shaqeeya ee badda geeska afrika iyo Bariga dhexe iskaga gudbiya,” sidaasi yidhi El Mois Lideen Alla, oo iyadu ka hadashay tababarkaasi ku saabsanaa ka hortaga dadka wax tahriibiya oo ay qabatay hay’adda IOM.

 

Axmed Cige,

Waaxda Online-ka Ee HCTV