Wadahadalada Somaliland Iyo Somalia: Ethiopia Oo Ka Dhursugaysa Midawga Yurub

Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka dhur sugaya Midawga Yurub in talaabooyin hore loogu qaadayo dedaalada wadaxaajoodka Somaliland iyo Somalia.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Dhawr dawladood oo ka tirsan wadamada Midawga Yurub ay booqashada ku tageen Hargeysa iyo kulano ay la yeesheen hogaanka Somaliland oo ku saabsanaa wadahadalada Somaliland iyo Somalia iyo sidii hore loogu dhaqaajin lahaa.

Kulamadii weftiguna waxa ay ku qotomeen dedaalada Raysal Wasaaraha Ethiopia uu ku doonayo wadahadal iyo dib u heshiisiin dhexmartay Somalia iyo Somaliland si kor loogu qaado amaanka Geeska Afrika.

Intii Somaliland ay ka go’day Somalia ee uu geeriyooday Siyaad Bare waxa Somalia ka sii socday dagaalo iyo kooxo hubaysan oo abuurmay oo ay ka mid tahay Al-shabaab oo iyadu doonaya inay abuuraan dawlad diin ku dhisan.

Wixii intaa ka dambeeyeyna waxa Somalia ay ku jirtay xaalad ciidamo ay isku hirdiyaan awooda gacan ku haynta siyaasada iyo maamulka dhulka.

Bilawgan maamulka Abiy Axmed uu balanta ku qaaday inuu nabad ka dhaliyo Geeska Afrika ayaa waxa ay hada diiradu saaran tahay mushkilada u dhaxaysa Somalia iyo Somaliland, maadaama oo xiligan waxoogaa horumar ah laga gaadhay dhibaatadii u dhaxaysay Ethiopianka iyo Eritreanka.

Raysal Waaaraha Ethiopia mar uu todobaadkii la soo dhaafay uu ka hadlayey Jigjiga oo uu kaga qaybgalay gobolka Soomaalida Ethiopia, ayuu Abiy Axmed uu hoosta ka xariiqay inuu ka shaqaynayo hawlgal lagu xasilinayo gobolka Geeska Afrika.

“Dawladaydu waxay bilaabaysaa dedaalo lagu wadahadashiinayo Somalia iyo Somaliland, labada dhinacna waxa ay muhiim u yihiin amaanka iyo horumarka gobolka” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed.

Raysal Wasaare Abiy sidoo kale waxa uu xusay socdaal Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay Addis Ababa oo daba socday martiqaadka dawlada Ethiopia. in labada dhinac  ay kaga doodeen Amaanka gobolka iyo xidhiidhada labada dal.

Muuse Biixina waxa uu iftiimiyey in loo midoobo dedaalada Abiy ee la xidhiidha dhinaca amaanka gobolka, isla markaana uu aqbalay baaqyada ah in hore loo sii wado sixidhiidh wadashaqayneed oo dhow oo dhex mara dawlada Somaliland iyo dawlada Federalka Somalia.

Kadib Kulankii Hogaamiyaha Somaliland uu la yeeshay Raysal Wasaare Abiy Axmed, dawlada Somalia waxa ay soo dhaweysay oo ay sacabka u tuntay Wadashaqaynta Madaxweyne Biixiga Somaliland.

Intaa ka dibna waxa daba socday kulan ay isku waafaqeen Somalia iyo Somaliland inay sii wadaan wadahadaladii kadib markii ay soo bexeen dedaalada Midawga Yurub oo iyagu taageera Somaliland iyo Somaliaban inay la dhaqaajiyaan hanaanka nabada.

Sanadkii 2014-kii dawlada Fedealka Somalia iyo Somaliland waxa ay kala saxeexdeen heshiis daba socday kulan ay yeesheen oo ay gadhwadeen ka tahay Wasaarada Arimaha dibada Turkigu.

Labada dhinacna waxa ay isku raaceen in la sii wado wadahadalka ay martigaliso Turkigu balse markii dambe Somaliland ayaa wadahadalka iskaga baxday markii ay ku eedaysay Turkugu inuu la jiro Somalia Somaliland ka soo horjeedo.

Axmed Cige,

Waaxda Online-ka Ee HCTV