Dareenada Ku Gedaaman Dhexdhexaadinta Abiy Axmed Ee Somalia Iyo Kenya

Nairobi, (HCTV) – Markii Dawladda Somalia ay dacwad dhinaca Xadka badda ah ay u gudbisay Maxkamada Cadaalada ee Aduunka ee (ICJ) sanadkii 2014-kii,  ayaa waxa yaraaday xidhiidhkii labada dal ee Kenya iyo Somalia oo mar ahaa sidii laba mataano ah oo isku dhagan.

Kenya waxay mudo dheer ay difaacaysay danaha Somalia, balse wakhtigan waxay isku aragtay in iyada laftigeedu aanay sii wadi karayn danaha dalkan ay waqooyi-bari ay jaarka ka yihiin.

Waxaana aragti badan oo ku wajahan xadkaasi ay keentay in Somalia ay Kenya la tagto Maxkamada ICJ ee fadhigeedu yahay The Hague, inkastoo habab kale oo muranada lagu xaliyaa ay ka jirto Afrika, si balaadhana ay ugu kalsoontahay Kenya hababkaasi kale.

Hase yeeshee Somalia ayaa mar kasta waxay ku adkaysanaysay in muranka iyada iyo Kenya kala dhexeeya lagu xalin karo oo kaliya Maxkamad Caalamiya balse taa badalkeeda ayaa dalka Kenya waxa uu doonayey in muranka kala dhexeeya Somalia ee dhinaca bada lagu dhameeyo hab diblomaasiyadeed.

Waxaanay mudooyinkii dambe ay Kenya baadigoob ugu jirtay in dalalka Jaarka ah ee Geeska Afrika iyo Beesha caalamkuba ay la raadiyaan xal saaxiibtinimo oo lagu xaliyo muranka iyada iyo Somalia, isla markaana ay Somalia ku dhiirigalinayso inay meesha ka saarto kiiska labada dal ee yaala maxkamada Cadaalada ee Aduunka (ICJ), oo si isku mid ah loo qaybsado horumarada iyo khayraadka saliida iyo gaasta ee ku duugan xadka la isku haysto ee badda.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa bishii March booqsday magaalada Nairobi isagoo la kulmay Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed si ay wadahadalo ula yeeshaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana kulankaasi hoosta lagaga xariiqay in caadi laga dhigo heshiiska diblomaasiyadeed ee labada dal.

Waxaanu Dr Abiy uu sidaasi ku bilaabay dhexdhexaadinta labada dal, iyadoo laga cabsi qabay in muranada diblomaasiyadeed ay saamayn karaan mustaqbalka mashaariicda dhaqaale ee saddexda dal ay leeyihiin.

Horn Cable TV.