Somali News

Puntland: Salaad Roob-doon Ah Oo La Iclaamiyey.

By HCTV

April 09, 2019

 

Sawirka Roob Doon Hore oo ka Dhacday Boosaaso.2016

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garoowe (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cawil Sheekh Xaamud ayaa Maanta ku dhawaaqay in Dadweynaha Puntland iskugu soo baxaan Salaad Roob-doon ah Maalinta Khamiista ah ee Toddobaadkan.

Wasiirka Diinta oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Deegaannada Puntland ay ka jirto xaalad adag oo biyo la’aaneed, sidaasi darteedna ay Dadweynaha ugu baaqayaan inay iskugu soo baxaan Salaad Roob-doon ah, si Illaahay SW looga baryo inuu Raxmaadkiisa u shubo Addoomihiisa.

Wasiir Cawil oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Golaha Wasiirradu waxay isku raaceen Maalinta khamiista ah ee soo socota ee bishu tahay 11-ka, inay tahay Maalin Roob-doon, waxa Goluhu isku raacay in dhammaan Meheradaha gaarka loo leeyahay Maalintaa la xidho, Madaariista la xidho, Masaajiddada la xidho, dabadeedna Dadku isku soo baxaan, si Ilaahay Roob loo waydiisto..”

Degaannada Puntland waxa ka jirta xaalad biyo la’aaneed, sida uu Wasiirku sheegay “Puntland meelo ka mid ah Ceelashii way gudheen, meelo Dadku biyo la’aan bay ugu dhimanayaan, markaa waa in Dadka Masaakiinta ah, kuwa ducafada ahi soo baxaan, dhar aan aad u qurux badnayn la soo qaato, si Ilaahay dhibka inooga qaado..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv