“Annagu Cadow Ma Nihin, Laakiin Dagaal baa La Nagula Jiraa..” Xisbiga WADDANI

Hargeysa (HCTV) –  Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku cawday in Xukuumaddu kula jirto dagaal isla-markaana loola dhaqmayo sidii Cadowga oo kale.

Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cali Axmed Cantar oo Maanta la hadlay Telefiishanka Horn Cable Tv ayaa ka hadlay eedaymo uga yimid Taliska Ciidammada Milletariga iyo Xil ka qaadis lagu sameeyay Hoggaanka Ciidammada Qaranka, ka dib markii uu Xisbigaasi siiyey Warqad u fasaxaysa inay Saylac ka soo qaataan Dirays Dalka dibeddiisa looga keenay ilaalada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Mr. Cantar oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maalin dhawayd gaadhi uu leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ay saaran yihiin ilaaladiisu ayaa inta Magaalada dhexdeeda laga jiitay, iyadoo 14 Dirays oo ah Dirayskii Ilaalada Guddoomiyaha Xisbiga.”

Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa ee Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu sheegay “Waxa la eryey Hoggaankii Milletariga ee na siiyey Warqadda, wixii lagu eryey iyagaa garanaya, waxaad mooddaa in dagaal la nagula jiro aanaan garanayn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Afhayeen u hadlay Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Annaga nala hadlay oo noo jawaabayey, arrintaasi waa nasiib-darro iyo wax aad iyo aad loola yaabo in Nin Ciidankii Qaranka ah inuu annaga Afhayeen ahaan noogu jawaabo, Annagu Cadow ma nihin, waanu yaabnay oo waxaanu nidhi goormaad noqoteen dagaal oogayaal..”

 

Horn Cable Tv