Cumar Al-Bashiir oo Xilka Ka Degay iyo Wadatashiyo Socda.

Image result for al bashir in military uniform

Cumar Xasan Al-Bashiir Madaxwaynaha Kacdoonku ku Socdo ee Dalka Suudaan ayaa Xilka ka Degay, sida ay Baahisay Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xigatay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Al-bashiir.
warbixinta ayaa intaas ku dartay inay socdaan wadatashiyo lagaga arrinsanayo cida xukunka la wareegaysa.
wasiirka wax soo saarka iyo dhaqaalaha ee dalka Sudan, Adel Mahjoub Hussein, isagoo ku sugan Waqooyiga Daarfuur ayaa u xaqiijiyay  Telefishanka al-Hadath, oo ay wakaaladda Reuters soo xigatay waxaa uu yidhi ” wax socda wadatashiyo si loo hirgaliyo gole militeri oo awoodda la wareega” ayuu yidhi wasiir Maxjuub.

Xaaladda Al-Bashir

Cumar xasan AL-bashiir oo dalkaasi Af-gambi kula wareegay ayaa xukunka wadankaasi hayay 30 sanadood, wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan inuu ku sugan yahay Taliska Guud ee laga xukumo Militeriga dalkaasi ee ku yaala magaalada khartuum.
dadwaynaha dalkaasi ayaa u dhegtaagaya fariin kasoo yeedhay Taliska Militeriga dalkaasi oo sheegay in laga dhursugo “war muhiim ah” oo ay shaacin doonaan sida laga baahiyay Telefishanka dawladda ee dalkaasi.

Militeriga Suudaan, ayaa xukunka wadankaasi  hayay  tan iyo markii uu  wadanku xoriyadda qaatay 1956-kii.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA

 

Image result for sudan protestors