Madixii Sirdoonka Sudan Oo Iscasilay

Khartoum, (HCTV) – Maalin ka mid markii talada dalka Sudan laga tuuray Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa isna waxa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iscasilay Taliyihii Amaanka iyo Mukhaabaraadka Salax Gosh inuu iscasilay, iscasilaada Madaxa Sirdoonka dalka Suudan ayaa daba socotay Iscasilaada hogaamiyaha golaha Milatary-ga Sudan Axmed Cawad Ibn Auf.

Iscasilaada Madaxa Amaanka iyo Sirdoonka dalka Sudan ayaa waxa xaqiijiyey Lt General Cabdelfattah Hurhan, oo ah madaxa golaha milatariga ee dalka sudan oo maanta soo saaray war-saxaafadeed qoraal ah.

Sidoo kale wararka laga helayo dalka Sudan ayaa sheegaya in ugu yaraan 16 qof ay bileysku dileen kadib markii dibadbaxyaaashu ay diideen in ay mudaharaadada joojiyaan ilaa inta dawlad rayid ah lagu wareejinayo talada dalka.

Sidoo kale rasaasta ay bileysku ku fureen dadka dibadbaxaya ayaa waxa ku dhaawacmay in ka badan 20 qof oo kale.

Waaxda Online-ka HCTV