Diridhaba Oo Degan, Kadib Rabshado Dhexmaray Soomaalida Iyo Oromada

Diridhaba, (HCTV) – Xaalada magaalada Diridhaba ayaa maanta degan kadib markii magaaladaasi ay isku dhacyo rabshada wata ay ku dhexmareen qoomiyadaha Soomaalida, Oromada iyo Amxaarada oo halkaasi wada dega, kuwaas oo maalintii shalay ay dhexmartay gacan ka hadal sababay dhaawacyo.

Rabshadan ka bilaabmay magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia ayaa saamayn ku yeeshay isku socodka bulshada iyo ganacsiga magaaladaasi.

Waxaana wararka laga helayo Diridhaba ay sheegayaan in Ciidamo Federal Ethiopia ka socda oo soo faragaliyey xaalada amaandaro iyo isku dhacyada bulsheed ee ka socda magaalada Diridhaba, waxaana Ciidamada Milatariga dalka Ethiopia ay ku guulaystay inay kala eryaan dhalinyaradii qoomiyadahaasi ee gacan ka hadalku uu ku dhexmaray gudaha magaalada Diridhaba, waxaanad moodaa in wakhti xaadirkan xaaladu ay caadi ku soo noqotay.

Waaxda Online Ee HCTV