Ivanka Trump Oo Ethiopia Socdaal Ku Tagtay

Addis Ababa, (HCTV) – Gabadha uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Ivanka Trump, isla markaana ah lataliye aqalka cad ka tirsan ayaa socdaal ku timid dalka Ethiopia, iyadoo booqan doonta dal kale oo Afrika ku yaala.

Socdaalka ay ku timid dalka Ethiopia gabadhan uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trum ayaa markii ay soo cago-dhigatay garoonta diyaaradaha ee Bole International Airport ay soo dhigtay Tweeter-keeda. “Hadda ayaan cago dhigtay Addis Ababa, Caasimada Diblomaasiyada Afrika iyo Magaalada Qaarada ugu jooga dheer!”

Ethiopia waa wax xaqiiq ah in ay tahay Caasimada diblomaasiyada Afrika oo waxa ku yaala xafiisyada ururka Midawga Afrika. Hase yeeshee waxa aan la ogoayn in loo isticmaalo inay tahay caasimada ugu jooga dheer.

La Taliyahan Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa tan iyo intii ay dalka Ethiopia timid waxa ay la kulantay Ambassador Micahel Raynor iyo saraakiil kale oo ka tirsan Safaarada Maraykanku ku leeyahay Addis Ababa.

Waaxda Online-ka HCTV