Puntland: Duqayn Lagu Dilay Ku Xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Boosaaso, (HCTV) – Wararka laga helayo deegaanka Bariga ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in weerar cirka ahi uu ka dhacay meel u dhaxaysa deegaanka Xiriiro iyo Xunbay oo 3KM u jirta degmada Isku-shuban ee gobolka Bari, weerarkan ayaa lagu bartilmaameedsaday gaadhi ay saarnaayeen laba qof oo mid ka mid ahi uu yahay ku xigeenka hogaamiyaha ururka Daacish ee Somalia.

Cabdisamad Maxamed Gallan, oo ah Wasiirka Amaanka Puntland ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Cabdihakim Maxamed Ibraahim, oo loo yaqaano Dhoqob, kaas oo ahaa ku xigeenka hogaamiyaha ururka Daacish.

Hase yeeshee dadka deegaanka ayaa iyaguna sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen labada qof ee la bartilmaameedsaday oo saarnaa gaadhi nooca raaxada ah meeshana lagu arkay medka labada qof oo gubtay.

Waxaana markii dambe la xaqiijiyey in labada qof ee gaadhigaasi saarnaa mid ka mid ahi uu ahaa ku xigeenka hogaamiyaha ururka Daacish ee ka dagaalama Somalia, inkastoo ilaa iyo hadda aanu jirin war ka soo baxay cidii weerarkaasi geysatay.

Kooxda Daacish ee Somalia ayaa waxa hogaamiya Sheekh Cabdulkadir Mumin, oo ah aqoonyahan ka tirsanaa Al-shabaab, kaas oo bishii October 2015-kii sheegay inuu kooxda uga goostay dhinaca ISIS uu hogaamiyo Abu Bakar al Baqhdadi.

Waxaana dadka u dhuunta daloola kooxda Daacish ee Somalia ka hawlgashaa ay sheegaan in 200 ilaa 300 rag ahi ay u joogaan Somalia. Waxaana Al-shabaab iyo ISIS ay mudooyinkii u dambeeyey ku dagaalamayeen buuraha bariga .

Dhinaca kale dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu saxeexay amar lagu balaadhinayo hawlgalka Maraykanku uu ka wado Somalia.

Dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ayaa waxa xudun u noqon doona hawlgalada gaarka ah ee maraykanku uu ka fuliyo Somalia iyo in Ciidamada Somalia loo fidiyo tababaro kor loogu qaadayo si ay awood ugu yeeshaan la dagaalanka kooxda xidhiidhka la leh Alqaeda.

Balantan uu u qaaday dalkan ku yaala bariga Afrika ayaa imanaysa kadib markii madaxweynuhu uu sheegay inuu doonayo inuu dhimo ciidamada Maraykanka eek u sugan aduunka iyo in dawladiisu ay wado qorshaha ciidamada lagaga soo saarayo dalka Suuriya.

Mudo hada ku siman laba sanadood ciidamo gaar ah oo tiro yar ayaa loo asteeyey inay la shaqeeyaan milatariga Somalia, iyagoo ka taageeaya dhinaca la dagaalanka Al-shabaab, gaar ahaana weerarada cirka iyo kuwo dhulkaba ay ka qayb qaataan ciidamada NAVY SEAL-ku.

Ciidamada Danab, ayaa hada tiradoodu ay tahay 500 Askari, waxaanay qaadaan hawlgalo tiro yar oo ka dhaca xeebaha dalka, waxaana laga yaabaa in tiradooda la gaadhsiiyo ilaa 3,000 Askari si ay awood ugu yeeshaan inay meesha ka saaraan maleeshiyaadka ku sugan guud ahaan dhulka Somalia oo dhan.

Waaxda Online-ka Ee HCTV