“Gobol Kasta Ha Beero 30 Kun Oo Geed..” Farriinta Madaxweyne Biixi Ee Maalinta Dhiraynta

Hargeysa (HCTV) – Waxa Maanta Somaliland laga xusay Maalinta dhiraynta oo Sannad kasta Bisha Afraad 15-keeda la qabto.

Xuskan oo soo qaban-qaabiso Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, ayaa waxa Maalintaa looga faa’idaystaa in Dadka loo qaybiyo dhir ay Wasaaraddu diyaarisay, si ay Guryahooda hortooda iyo meelaha kale ee ay gaadhsiin karaan ka beeraan. Sidoo kalena waxa Dadweynaha loogaga warramaa ahmiyadda Dhirtu u leedahay nolosha Aadamaha iyo khatarta Dhirta oo la gooyaa u leedahay Nolosha.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka duulaya Xuska Maalinta dhiraynta ayaa Shacabka ku dhaqan Gobollada dalka ugu baaqay inay dhir beeraan, si Abaaraha iyo Roob yaraantu meesha uga baxaan, waxaanu yidhi “Waxa aan ka codsanayaa dhammaan Somaliland, Gobollada oo dhan inuu gobol waliba Soddon kun oo Geed beero, qof walibana haddii uu ka badin karayo uu ka badiyo, si aynnu abaar uga baxsano.”

Madaxweynaha oo hadal  u jeediyey Dadweyne uu Shalay kula tukaday masaajid Jaamaca Hargeysa ayaa Dadweynaha u soo jeediyey in dhulka ay haystaan ay u qaybiyaan Dhul daaqeen iyo mid kayd ah oo xilligana Abaaraha xooluhu ku noolaadaan “Dhulka Illaahay ina siiyey ee aynu u talino xoolo ayeynu ku nool nahay, xoolahaasna waxa aynu u baahan nahay inaynnu dhulka u qaybinno oo meelna aynnu u keydinno wax ku beerno oo aynnu seero ka dhigno oo jiilaalka iyo abaaraha ku baxsadaan, inta kalena aynnu daaqsiinno, waana talo-xumo in dhulkeena oo ballaadhan aynu xoolaheenna u kala keydsan weyno.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka