Khartoum (HCTV) – Hoggaanka Milletariga Dalka Suudaan ayaa Xabsiga u dhaadhiciyey Cumar Xasan Al-bashiir oo Toddobaadkii hore uu Ciidanku Xilka ka tuuray.
Sidaana waxa Arbacada Maanta sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP oo soo xiganaysa Qoyska Cumar Xasan Al-bashiir.
AFP oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay ayaa sidoo kale sheegtay in Al-bashiir Xabsiga loo dhaadhiciyey, iyadoo Dibed-baxayaashu ku sii adkaysanayaan Hor-fadhigooda Xarunta Taliska Ciidammada ee Magaalada Khartoum, iyagoo doonaya in Milletarigu uu awoodda ku wareejiyo Rayidka.
Goob-joogeyaal ku sugnaa meel ku dhow Xabsiga oo Waqooyi ka xiga Magaalada Khartoum ayaa sheegay in xilligii Al-bashiir Xabsiga la keenayey ay jireen Kolonyo Ciidamo ah iyo Xubno ka mid ah Milletariga ah oo Dibedda Xabsiga ku sugnaa.
Milletariga ayaa hore u sheegay in Al-bashiir uu ku sugan yahay Goob Amaan ah oo ka mid ah Magaalada Khartoum.
Wakaaladdu waxay soo werisay in Xabsiga Kober ee loo wareejiyey Al-bashiir uu gunaanad u yahay 30-kii sannadood ee uu dalkaasi ka talinayey.
Horn Cable Tv
Waaxda Online