Koox Caalami Ah Oo Dugsi Kubadda Lagu Barto Ka Hirgelisay Addis Ababa

Addis Ababa (HCTV) – Kooxda kubadda Cagta ee Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday inay Caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa ka furtay Dugsi lagu baranayo Kubadda Cagta.

Akadamiyaddan ayaa loogu magac-daray ‘Dugsiga Kubadda Cagta ee Bayern’, taasina waa natiijada wada-shaqayn ay leeyihiin Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Itoobiya iyo kooxda Jarmalka ah ee Bayern.

FC Bayern oo Warkan baahisay ayaa sidoo kale sheegtay in iskaashiga ka dhexeeya xidhiidhka kubadda ee Itoobiya ay qayb ka tahay in khibradda la iswaydaarsado, lana joogteeyo in Koojyo ka socda Bayern ay Tababbaro siiyaan Ciyaartoyga iyo Koojyada Addis Ababa.

Itoobiya ayaa noqonaysa Dalkii koowaad ee Afrika ku yaalla ee kooxda Bayern ka hirgeliso Akadamiyad lagu barto Kubadda, laakiin kooxdan ayaa Dugsiyo lagu barto kubadda ku leh Dalalka China, Thailand, Japan, Singapore iyo Maraykanka.

 

Horn Cable Tv 

Waaxda Online-ka