Tartanka HCTV: 2 Kooxood Oo Ciyaar Adagi Ku Dhexmartay Garoonka Guryo-Samo

Hargeysa, (HCTV) – Waxa si habsami leh uga socda magaalada Hargeysa Tartanka Ciyaaraha HCTV soo qaban qaabiyey ee Garoonka Gurya Samo, kaas oo ay ka qaybgalayaan ciyaaryahanada heerka koowaad oo si isku dhaf ah ugu ciyaaraya garoonka Gurya Samo.

Kulamadii Ciyaarahan ayaa galay wareegii labaad ee ciyaaraha HCTV, waxaana kulankii galabta wada ciyaaray kooxaha Carwo Sadam iyo Star.

Daawashadii Ciyaartan labada kooxood dhexmaraysay ayaa waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan oo la socda ciyaaraha kubadda cagta ee HCTV.

Waxaana qaybtii hore ee ciyaarta ay kooxda Carwo Sadaam la hor mareen Gool uu dhaliyey Ciyaaryahanka Shucayb oo lambarka 10aad u sita kooxda Carwo Sadaam.

Ciyaartan labada kooxood ee Carwo Sadaam iyo STAR ku dhexmaraysay garoonka guryo samo oo ahayd mid aad u degan, ayaa markii la isku soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta waxa Goolkii labaad la yimid kooxda ku ciyaaraysay magaca Carwo Sadaam oo ciyaarta u badashay 2 iyo 0.

Waxaanay sidaasi ku gaadhay kooxda Carwo Sadaam guul iyagoo kulankoodii labaad la ciyaarayey kooxda STAR, Natiijadii ciyaartuna waxa ay ku soo gabogabowday in guushu sidaasi ku raacdo kooxda Carwo Saddam.

Waxaana kulankii Galabta ka hadlay Mulkiilaha kooxda Carwo Saddam oo isagu ah shakhsiyaadkii ugu horeeyey ee ka soo qaybgala ciyaarahan kooxda kambanigiisu ay ku ciyaarayso ee Carwo Sadam, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa HCTV iyo labada kooxood ee halkan ku ciyaaraya ee Carwo Sadam iyo STAR, gaar ahaana Agaasimaha HCTV iyo Gudoomiyaha oo aan leeyahay hawl wanaagsan ayaad u qabateen dhalinyarada.” Ayuu yidhi Mulkiilaha Kooxda Carwo Saddam.

HORN CABLE TV.

Waaxda Online-ka Ee,