Hargeysa (HCTV) – Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa waxay qalinka ku duugeen heshiis ay ka gaadheen khilaafkii ka taagnaa Qabsoomidda doorashada, ka dib markii uu guul-daraystay dedaal muddo soo socday oo la doonayey in Saddexda XIsbi ee Somaliland ay si wada jir ah Heshiis u gaadhaan.
Prof. Maxamed Cabdi Ebyan. Musharraxii Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID wuxuu goobta uu heshiisku ka dhacay ka akhriyey Qodobbada heshiiska ee Xisbiyadu kala saxeexdeen, waxaanu yidhi:-
- Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay isku afgarteen in doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee qorshaysan inay qabsoonto 13-ka December, 2019 inay ku qabsoonto wakhtiga loogu talo-galay.
- In Komiishanka doorashooyinka Qaranka ee hadda jiraa uu bilaabo hawlihii diwaangelinta iyo u diyaar-garowga doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.
- Waxay Xisbiyada Qaranka ee UCID iyo KULMIYE isla qaateen in 01 August, 2019 la soo xulo Komiishanka doorashooyinka ee cusub, komiishanka oo tiradiisuna tahay 7 xubnood. Komiishanka Doorashooyinka ee hadda shaqaynaya ayaa u idman sii wadidda hawlaha qaban-qaabada doorashooyinka illaa dhammaadka muddo-xileedkooda, iyadoo Komiishanka cusubna uu ula shaqayn doono hab tababbar ah iyo inay u diyaar-garoobaan inay la wareegaan xilka, iyaguna qaban doonaan doorashada.
- In Komiishanka doorashooyinka ee cusub lagu daro laba xubnood, lagana dhigo 9 xubnood, doorashada Goleyaasha degaanka iyo Wakiillada, loona gudbiyo Golaha Wakiillada ee dambe.
- Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay isla qaateen in meel looga soo wada jeedsado qabsoomidda doorashooyinka deegaanka iyo Wakiillada, wada shaqayn buuxdana ay la yeeshaan Komiishanka doorashooyinka.
- Sidoo kale, waxay Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isla afgarteen in la sameeyo Guddi Madax-bannaan oo si habsami ah ula socota geeddi-socodka diwaangelinta yo qabsoomidda doorashada, si loo hubiyo, loona ogaado in doorashadu u qabsoonto si xor iyo xalaal. Guddigan oo ka koobnaan doona xubno kala matali doona Waddamada qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Asxaabta Qaranka.
Ugu dambayn, Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay u soo jeedinayaan Waddammada qaadhaan-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland inay soo bixiyaan qaadhaanka kaga aadan qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada..”
Horn Cable Tv
Waaxda Online-ka