Booliska Sri Lanka Oo Raaligalin Ka Bixiyey Gabadh Muslimad Ah Oo Ay Ku Khaldameen

Colombo, (HCTV) – Gabadh u dhalatay dalka Maraykanka ayaa dadka la wadaagtay siday uga xumaatay in Bileyska dalka Sri Lanka ay si khaldan usoo bandhigeen in gabadhaasi looga shakisan yahay inay ku lug lahayd weeraradii Axadii lagu qaaday dalkaasi ee dadka badani ay ku dhinteen.

Amara Majeed ayaa ah gabadh muslimad ah oo firfircoon isla markaana ah qoraa ka timid Baltimore, waxaana haweenaydani ay ka war heshay markii magaceeda iyo sawirkeeda lagu soo daray lix qof oo la doondoonayo oo lala xidhiidhinayo weerarkii argagixiso ee lagu laayey dadka ka badan 250-ka qof.

Dawladda Sri lanka ayaa hada soo saartay war-saxaafadeed ay raaligalin kaga bixinayso khaladkaasi.

Waxaana Amara Majeed oo ah gabadh muslimad ah si khaldan ay Sri Lanka ugu iclaamisay in haweenaydaasi laga shakisan yahay.

Hase yeeshee gabadha kaliya ee lagu soo diray liiska dawlada Sri Lanka ay uga shakisan tahay weerarkaasi ayaa ah Abdul Cader Fathima Khadhiya, balse sawirka la raaciyey uu yahay sawirka Ms Majeed.

Argagixiyeyaal Sri Lanka u dhashay balse wax ku soo bartay dalka Britain ayaa la arkay isagoo lugaynaya.

Markii ugu horaysay ee gabadhan Sri Lanka ay sheegtay inay ku khaldantay ay shaashadaha iyo ciwaanada wararka ay soo gashay sanadkii 2013-kii, xiligaas oo da’deedu ay ahayd 16 markaas oo ay waday mashruuc Xijaabka ay xidhaan haweenku ay ku samaynaysay.

Waxaana hawlgalkeedaasi Xijaabka ku saabsanaa ay ku boorinaysay dumarka muslimka ah iyo kuwa aan muslimka ahaynba inay xidhaan xijaabka isla markaana ay khibradahooda ay kula soo wadaagaan baraha bulshada.

Waxaana mar ay hadalo qoraal ah ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka oo ay kaga jawaabaysay muuqaalkeeda ay bileysku baahiyeen inay argagixisadii ku lugta lahayd qaraxyadii dalkaasi ka dhacay ay sheegtay ama ay soo qortay “Nabad Qof kastoow! Subaxnimadan saaka dawlada Sri Lanka waxa ay si been ah ay iigu tilmaantay in aan ka mid ahay kooxda ISIS ee weerarka ku qaaday Sri Lanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA