Dhaxal-sugaha Boqortooyada Ingiriiska Oo La Kulmay Dadkii Ka Badbaaday Weerarkii Masaajiddada New Zealand

New Zealand (HCTV) – Kulan Qalbi-taabasho ah ayaa Dadkii ka badbaaday Xasuuqii Masaajiddada New Zealand waxay la yeesheen Boqor William, kulankaasi oo Masaajidka Al-nour ee Magaalada Christchurch ka dhacay Jimcihii.

Prince William oo hadal ka jeediyey Masaajidka Al-nour ayaa ku baaqay in ‘Xagjiriintu nooc kasta oo ay yihiin lala dagaalamo’

160 Qof ayaa Masaajidka Al-nour ee Magaalada Christchurch u tagay si ay ula kulmaan Boqor Williams oo ah dhaxal-sugaha koowaad ee boqortooyada Ingiriiska, kaasi oo markiiba ka dareen-celiyey xasuuqa ka dhacay Labada Masaajid ee ku yaalla Christchurch, 15-kii bishii March ee sannadkan 2019.

Lix Toddobaad ayaa laga joogaa markii Qof Is-mahadiyey oo Caddaan ahi uu laba Masaajid oo ku yaalla Magaalada Christchurch uu ku dilay 50 Qof oo Muslimiin ah oo cibaadaysanayey, halka uu tiro intaa ka badana uu dhaawacay.

Dhaxal-suguhu wuxuu sheegay inuu la ‘jiro Shacabka New Zealand, Dadka Magaalada Christchurch iyo Bulshada Muslimiinta.”

Williams wuxuu sheegay “Weerarkan waxa loo qorsheeyay in lagu beddelo New Zealand, laakiin taa beddelkeeda Xanuunka soo gaadhay Qaranku wuxuu daah-furay wanaaggiina iyo sida aad u caafimaad qabtaan..”ayuu yidhi, Prince Williams oo ka hadlayey Masaajidka Al-nour, waxaanu markaa ka dib la kulmay Shaqaalaha Caafimaadka ee daryeelaya Dadkii ku dhaawacmay Weerarradii Labada Masaajid “Wakhtigii xanuunka ama murugada, wada-jir baad u istaagteen, waanad ka jawaabteen Masiibada, wax cajiib ahna waad na tusteen..” ayuu hadalkiisa raaciyey isagoo dhiiri-gelinaya dhakhaatiirta.”

Boqorka oo dareen u muujinaya Dhakhaatiirta ayaa sheegay “Waxaan idiinla joogaa inaan idiinka  Mahad-celiyo (Bogaadiyo) wixii aad Toddobaadyadii tagay Dunida barteen..”

Dhaxal-sugaha boqortooyada Ingiriisku wuxuu taageero u ballan-qaaday Dadka ka badbaaday xasuuqii Masaajiddada “Waan taageeri doonaa kuwa bedbaaday..” ayuu yidhi.

Intii uu William joogay halkaasi waxa uu la kulmay Dadkii badbaaday. Dadkaasi waxa ka mid ahayd gabadh Magaceeda lagu sheegay Alen oo laba Toddobaad ka hor ka soo baxday Kooma uu sababay dhaawac ka soo gaadhay weerarkii Masaajiddada, taasi oo William oo agteeda fadhiya waydiisay su’aal ahayd ‘Gabadh (Inan) ma leedahay ?.

William oo naxariis u muujinaya ayaa ugu jawaabay “Haa (Waan leeyahay), waxa lagu Magacaabaa Charlotte, waa da’daa oo kale (Ama waa kula da’)…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLNE-ka