Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Somaliland, Gar-yaqaan Aadan Xaaj Cali Axmed, ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Axmed Dalmar Ismaaciil iyo Guddoomiyihii Degmada Hargeysa, Cabdirashiid Beer-geel.
Sidaana waxa lagu sheegay Digreeto ka soo baxday Xafiisak Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo soo gaadhay HCTV, taasi oo iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid iyo Beddel Guddoomiyeyaal.
Gudddoomiyaha Maxkamadda sare, Markuu arkay Qodobka 107 iyo 108 ee waaxda Garsoorka ee Dastuurka JSL. Markuu arkay Qodobka 31/3 ee xeerka Nidaamka Garsoorka No.3 ee June 1962. Markuu Tixgeliyey, Danta guud ee Cadaaladda.
Sidaasi darteed
- Axmed Dalmar Ismaaciil, waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeys, waxaana loo beddelay garsoore Maxkamadda Rafcaanka G/M/jeex ku meel-gaadh ahaan.
- Cabdi Qawdhan Cabdi waxa loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ku meel-gaadh ahaan.
- Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa, waxaana loo beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ah.
- Yaxye Xuseen Yuusuf, waxa loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa ku meel-gaadh ahaan.
Ku: Axmed Dalmar Ismaaciil.
Ku: Cabdirashiid Maxamed Xirsi
Ku: Cabdi Qawdhan Cabdi
Ku: Yaxye Xuseen Yuusuf.
OG: Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka G/M/J
Allaa Mahad Leh
Aadam X. Cali Axmed
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
Ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda..”
Laakiin, Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa isna Maanta Warbaahinta u sheegay inuu iscasilay “Waxaan Caddaynayaa inaan iska casilay shaqadii Garsoorenimo iyo shaqadii Guddoomiye-nimo ee Maxkamadda Gobolka maroodi-jeex” ayuu yidhi, Gar-yaqaan Dalmar oo Hargeysa kula Warbaahinta.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka