Shidaal La’aan Baaxad Leh Oo Soo Food-saartay Jigjiga

Jigjiga, (HCTV) – Magaalada Jigjiga ayaa maalintii afraad laga dareemayaa shidaal la’aan baaxad leh oo hakad galiyey isku socodka gaadiidka yaryar ee iskaga kala goosha badhtamaha iyo nawaaxiga magaalada Jigjiga.

Ku dhawaad kumanaan gaadiidka yaryar ee Bajaajta loo yaqaano ayaa la daalaa dhacaya mushkilada shidaal la’aan ah oo ka jirta magaalada Jigjiga ee Dawladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia, kuwaasi oo soo buuxdhaafiya maalin walba kaalmaha shidaalka ee magaalada Jigjiga, kuwaas oo fulin kari la’ adeegii ay u baahnaayeen gaadiidku.

“Shidaalkii oo godkii ku jira ayay leeyihiin ma hayno, markaa hadii ay qiimaha nagu kordhinayaan ha nagu kordhiyaane, laakiin shidaalkaasi bulshada loogu adeegayo iyadoo wakhti Ramadaan ay tahay  oo umadii ay adeeganayaan inay shidaalka naga iibiyaan weeyaan,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka gaadiidka yaryar ee Bajaajta loo yaqaano wata ee kaga shaqaysta gudaha magaalada Jigjiga.

Dhalinyaradan ku xamaalata gaadiidka yaryar ee loo yaqaano Bajaajta ayaa haatan ka dalbanaya xukuumada in arintan ay soo faragaliso.

Mid kale oo ka mid ah dadka iyagu Bajaajta kaga shaqaysta magaalada Jigjiga oo la hadlay Telefishanka HCTV ayaa yidhi “Waxaanu nahay dhalinyaradii Bajaaj layda ahayd ee deegaanka u shaqaynaysay, todobaad wax shidaal ah oo aanu shubanay ma jirto, Qabri-bayax ayaan lanooga keenayaa, Wajaale ayaa lanooga keenayaa, Rafaad ayaa na haysta. Markaa todobaadkan oo dhan wax shidaal ah ma hayno, xukuumadana wax war ah oo ilaa iyo hada aanu ka haynaa ma jirto, ilaa hada wax xukuumadu ay ka soo saartay ma jirto,” ayuu yidhi nin dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinta ku shaqaysata gaadiidka Bajaajta ee iskaga kala goosha gudaha magaalada Jigjiga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA