Iraaq (HCTV) – Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka Mike Pompeo oo lagu waday inuu socdaal ku tago Dalka Jarmalka, ayaa baajiyey isla-markaana safar aan la shaacin ku tagay Dalka Ciraaq.
Illaa wakhtiga Mike Pompeo kansalay ama ka noqday booqashadiisii ay ahayd inuu ku tago Jarmalka si uu ula kulmo Angela Merkel, waxa taagnaa hawlo diblumaasiyadeed oo wer-werkooda leh.
Laakiin, Raysal-wasaarihii hore ee Dalka Ciraaq Ayad Allawi oo Waraysi bixiyey ayaa sheegay in Booqashada aan wakhtiyeysnayn ee Mr. Mike Pompeo ku tagay Dalka Ciraaq, timid ka dib markii Sirdoonka Isreal ku war-geliyeen in Iraaq laga helay meel ay ku kaydsan yihiin Kantaalaha Balaastikada ah ee IRAN.
Mike Pompeo ayaa intii aanu Ciraaq tagin, waxa Warka Isreal la wadaagay oo u sheegay Saraakiil Maraykan ah oo uu kula kulmay Magaalada cammaan ee Dalka Jordan, kuwaasi oo u sheegay in Goobta Gantaallaha IRAN ku kaydsan yihiin ee Ciraaq lagu xajiiyey Sawirro dhulka laga qaaday oo aan Satlite ahayn
“Sirdoonka Isreal waxay direen Sawirrada Gantaalo kaydsan..” ayuu yidhi Ayad Alawi oo u warramay Telefiishanka Al Sharqiya.
Allawi wuxuu sheegay in Gantaalahaasi ay sii murginayaan muranka Dalalka Khaliijka iyo IRAN.
“Maraykanku wuxuu go’aansaday inuu aad u baadho (arrinta gantaalaha), lana hadlo Madaxda Ciraaq ee ay khusayso, taasina waa sababta uu Mr. Pompeo u yimid Ciraaq..”ayuu yidhi, Ayad Allawi.
Maraykanka iyo IRAN ayaa waxa ka dhex aloosan xiisad Colaadeed, taasi oo gaadhsiisan in la dhaqaajiyo Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka u jooga Qaaradda Aasiya.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka