Mudaharaado Dhimasho Sababay Oo Ka Socda Indonesia

Jakarta, (HCTV) – Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay dibadbaxyo ka sii socda maalintii labaad caasimada dalka Indonesia ee Jakarta, kadib natiijadii doorashadii bishii la soo dhaafay ka dhacday dalkaasi ee Joko “Jokowi” Widodo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashad boqolkiiba 55 codadkii la dhiibtay.

Dibadbaxayaasha ayaa ah taageerayaasha Musharixiintii Madaxweynenimada iyo General hore oo milatariga ka tirsanaa oo lagu magacaabo Prabowo Subianto, kuwaas oo sheegay in ku shubasho iyo musuqmaasuq farabadani uu dhacay intii doorashada lagu gudo jiray.

Dhamaan wadooyinka iyo isku socodka gaadiidka ayaa xidhan guud ahaan caasimada maanta oo arbaca ah, waxaana la soo dhoobay 20,000 oo bileys ah oo loogu talo galay in ay ka hortagaan in dibadbaxu faafo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA