Muqdisho (HCTV) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Maanta Magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiyi doona Dalka Sucuudiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu Cabdixakiim Xasan Ashkar u Magacaabay Safiirkaiirka Soomaaliya ee Sucuudi Carabiya.
Xeer Madaxweynuhu soo saaray Maanta ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo tixgelinaya aqoonta iyo Waayo-aragnimada ee Cabdixakiim Xasan Ashkar uu u Magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Sucuudiga.
Sucuudiga ayaa isagu Safiir u joogaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka