Hargeysa: Dab Ka Kacay Bakhaarro Ku Yaalla Suuqa Gobanimo

Hargeysa (HCTV) – Dab ayaa Xalay Fiidkii ka kacay Qayb ka mid ah Suuqa Gobanimo ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bakhaaro ku yaalla qaybo ka mid ah Xusbiga, kuwaasoo ay ku kaydsanayeen khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Ciidanka Dab-demiska ayaa damiyay dabkaas, sidoo kalena ku guuleystay inuu ka xakameeyo inuu ku fido dabkaasi meheradaha kale ee ku yaalla suuqaas.

Dhanka kale waxaa iyadana ciidanku badbaadiyay hanti badan oo dhex taallay suuqa, kuwaasi oo ay lahaayeen dad danyara. Sababta dabkan dhalisay ayaa ilaa hadda la garanayn.

Ma jirin khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaas. Laamaha Amaanka caasimada, Maamulka Degmada iyo shirkadaha korontada ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaa hoggaaminayay waxaa iyaguna hawlgalka qayb ka ahaa  Taliye xigeenka ciidanka Dab-demiska Cabdixamiid Faarax Iidle, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dhamaan Ciidanka Dab-demiska Degmooyinka Caasimada Hargeysa.

Maaha markii koowaad ee Suuqa Gobanimo dab ka kaco, laakiin dabka Xalay kacay ee la bakhtiiyey ayaa noqonaya kii koowaad ee sannadkan gudihiisa halkaa ka kacay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka