“Maamulka Puntland-baa Siyaasadaynaya Nabadda Bariga Sanaag, Maamulka Muqdisho-na.” Cukuse

Hargeysa (HCTV) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Ciidammada Milletariga Somaliland ee bariga Gobolka Sanaag ay ahmiyad u yihiin Dadka deegaankaasi ku dhaqan, isla-markaana hormood u yihiin in Dawladnimadu gaadho.

Cabdillaahi Maxamed Daahir wuxuu ka hadlay Xaaladda Xilligan ee bariga Gobolka Sanaag, halkaasi oo Maamulka Puntland Maalmihii u dambeeyay ka waday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo Ciidan, waxaanu sheegay in Puntland siyaasadaynayso Nabadda ka jirta bariga Gobolka Sanaag.

“Bariga Sanaag wuxuu ka mid yahay Somaliland, dhulkaasi wuxuu ahaa dhul nabadeed muddo badan, laakiin Maamulka Puntland ayaa Carqalad la soo doontay oo siyaasadeeyay Nabaddii halkaa ka jirtay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Somaliland-na xaq bay u leedahay inay gaadho Xuduudaheeda gaadho, Dadka deegaankaana waxaan u sheegayaa in Ciidammadu halkaa gaadhaan waxay hormood u yihiin in Dawladnimadu halkaa gaadho, sidaa awgeed faa’iido mooyaane khasaare idiinkuma jiro.”

Mr. Cukuse wuxuu sheegay in Somaliland iyo Shacabkeedu jecel yihiin inay nabad ku wada noolaadaan Puntland, balse Cidda Dawladnimada Somaliland Carqaladda ku haysaa tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya “Annagu mar walba Maamulka Puntland nabad baanu ugu yeedhnaa, markaanu xilka joogno iyo markaanaan xilka jooginba, Dawladda iyo Shacabka Somaliland-na sidaas ayay jecel yihiin, laakiin Innagu Cidda aynu is haynaa waa Maamul yar oo Muqdisho jooga oo Dawladnimadeena Carqalad ku haya, laakiin Maamulka yar ee Puntland inaynu Nabad ahaano waynu jecel nahay.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka