Muslimiintii Galay Dagaalkii koobaad Ee Dunida oo la iloobay.

Boqol sanadood ayaa laga joogaa markii uu dhammaaday dagaalkii koobaad ee dunidu, taariikh-yahannada ayaa hadda qiray doorkii ay Askarta Muslimiintu ay ku lahaayeen dagaalkii koobaad iyadoo difaacay ingiriiska oo maanta ku naaloonaya xoriyadda ay u dagaalameen askartaasi.

” askartii muslimiinta waa la iloobay” sidaas waxaa yidhi Hayyan Bhabha oo ka tirsan urur la yidhaa waayo-aragga Muslimka.

kooxaha aaminsan aragtiyaha muslim nacaybka ah ee ka jira wadanka Ingiriiska ayaa ku dooda musliimiintu aanay waxba u tarin waligood sidaas awgeed xogtani maxay ka tari doontaa ?

“Runtii,waxaanu haynaa Xaqiiq boqol jirsatay oo ah in muslimiintu ay u dagaalameen una dhinteen taariikhda iyo nabadgalyada Qaaradda Yurub”ayuu yidhi Hayyan Bhabha

warbixinaha laga hayo tariikhdaasi ayaa sheegaysa in 1.5 Milyan oo ka mid ah ciidamadii hindiya ee difaacay ingiriiska 400,000 ka mid ah ay Muslimiin ahaayeen.

A Muslim soldier praying.Muslim graves in French World War cemetery.

Shacabka  Ingiriisku Ma Og yihiin Taariikhdan ?

xog Ururin ay sameeyeen ururka (think tank British Future) ayaa dadka ingiriiska waxaa la waydiiyay ma ogtihiin in Askar Muslimiin ahi ay dagaalkii koobaad ee dunida difaaceen Xoriyadda ingiriiska ?

dad su’aashaasi la hor dhigay 78% waxay muujiyeen in aanay ogayn halka 22% ay sheegen inay ogyihiin taariikhdaasi ciidanka Muslimiinta ahaa ee dunida kale kaso jeeday ee u dagaalamay ingiriiska markii uu socday dagaalkii koobaad ee dunida.

ururka waayo-aragga Muslimiinta ayaa hadda doonaya inay dalka ingiriiska ka bilaabaan wacyigalin la xidhiidha in dadka loo sheego in ciidan muslimiin ahi ay u dagaalameen xoriyadda iyo jiritaanka dalka ingiriiska, wacyigalintaasi oo aaminsan yihiin inay meesha kasaari karto doodda ay ku olaleeyaan kooxaha islaam nacaybka faafiya ee ka dhisan Britain.

Markii aanu galnay kaydka xogta ee qarnigii 19-aad waxaan ogaanay in 4 milyan oo muslimiin ah oo caalamka ka kala yimi inay ka qayb qaateen dagaalkaasi, kuwaasi oo qayb ka mid ah ay askar ahaayeen kuwo kalena ay shaqaale ahaayeen” ayuu yidhi Hayyan Bhabha.

 

HORN CABLE TV 

WAAXDA ONLINE-KA.

Indian Muslim soldiers in the village of Dulmial (modern day Pakistan)

Dr Irfan Malik looking on at picture of his great grandfather.