Ciyaaryahanka Paul Pogba, oo ka Warramay Sababtii uu ku Islaamay.

Ciyaar yahanka Dhexda uga safta Kooxda Manchester United, Paul Pogba, ayaa ka sheekeeyay sababihii keenay inuu Rumeeyo Diinta Islaamka.

bogba oo kasoo laabtay safarkiisii Cumarada ee tagay Xaramka Barakaysan ee Mekka, ayaa u sheegay warbaahinta The Times,inuu sameeyay daraasad uu wax kaga ogaanayo islaamka, daraasaddaasi ka dibna waxaa uu go’aansaday inuu la turkado koox dhalinyaro Muslimiin ah oo ay saaxiibo ahaayeen.

Paul Pogba,waxaa uu sheegay inuu arrimo badan iswaydiiyay markii uu Muslimayna uu gudihiisa ka dareemay xasillooni.

“waxyaabo badan ayay naftaydi is weydiinaysay, kadibna waxaa bilaabay inaan sameeyo cilmibaadhis ii gaar ah, kadib waxaan mar la tukaday saaxiibaday, xaqiiqdii waxaan dareemay wax fiican”…..

“ilaa maalintii aan bilaabay Tukashada ilaa hadda. waxaa ii bilaabay tukashada shan jeer maalintii, taasi oo ah mid ka mid ah tiirarka islaamka” ayuu yidhi Paul Pogba.

Pogba poses with his girlfriend Maria Salaues, mother Yeo and his firstborn child in Abu DhabiPogba took to Instagram to wish his followers 'Eid Mubarak' to celebrate the end of Ramadan

Xiddigan u ciyaaraha kooxda Man United, oo aan khamriga cabin, balse ay ubad u leedahay gabadh ay saaxiib yihiin ayaa la waydiiyay sababta ka dambaysa go’aanka uu ku mislimay isagoo 20 jira ah, waxaana uu yidhi  “sababtaasi waxay ku timi, waxaan lahaa saaxiibo badan oo muslimiin ah. inta badan waanu wada sheekaysan jirnay”

xidiggan khadka dhexe ka ciyaaraha oo sanadkan bartilmaameed u ah kooxda Real Madrid inay la wareegto ayaa ka mahadsheegtay Diinta islaamka waxaana uu qiray in Islaamnimadu ay ka dhigtay shakhsiyad wanaagsan, noloshiisuna ay isu badashay si fiican.

” waxay ahayd isbadal wanaagsan oo naftayda ku dhacay, sababtoo ah anigu kumaan dhalan islaamnimo, inkasta ay hooyaday islaam ahayd. hadana waxaan kusoo koray Barbaaray islaamnka la’aantii, anigoo qadarin u hayay qofkasta.”.

Thousands of Muslim worshippers gather at the Great Mosque of Mecca, which surrounds the Kaaba, Islam's holiest shrine, during the annual pilgrimage, which is known as HajjPaul Pogba (centre) recently went on the pilgrimage to Mecca with Kurt Zouma

Bogba,ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa uu booqanayay xaramka barakaysan ee magaalada Mekka,halkaasi oo sanad walbka ay booqdaan in ka badan 2 milyan oo Muslimiin ah.

HORN CABLE TV 

WAAXDA ONLINE-KA.

The France midfielder in action during the defeat by Turkey on Saturday eveningPogba poses with Chelsea defender Zouma and a group of friends during their pilgrimage