Kenya: Nin Mindi Ku Hubaysan Oo Weerarray Madaxtooyada

Nairobi (HCTV) – Ciidammada Amniga ee Dalka Kenya ayaa toogtay Nin Mindi ku Weerarray Aqalka Madaxtooyada ee looga Arrimiyo Dalka Kenya, ka dib markii uu ka booday Deyrka.

Booliska ayaa sheegay In Ninkan oo Mindi lulayaa uu ka dhacay Deyrka isla-markaana Ciidammadii Booliska ee halkaa ku sugnaa markay isku dayeen inay ka hor tagaan uu Mindida ku waab-waabiyey, taasina keentay in Ciidammadu toogtaan.

Boolisku waxay sheegeen in Ninkan oo 25 Jir ah, ahna Arday Jaamacadeed ay ka toogteen Lugta Midig qaybteeda hoose, markaasi ka dibna ay Cisbitaalka geeyeen isagoo xidhan, si loo daweeyo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka