Oman, (HCTV) – Laba markab oo ah nooca shidaalka qaada ayaa weerar loogu geystay biyaha Gacanka Oman, sida ay ku waramayaan warbaahinta caalamka maanta oo khamiis ah, waxaana la arkayey markabka oo dab ka kacay iyo qarax laga maqlay.
Hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jiraan warar degdeg ah oo cadaynaya weerarka lagu qaaday Labadaasi Markab oo ka soo baxay Masuuliyiinta Dawlada Cumaan amaba dalka ay Jaarka yihiin ee Imaaraadka Carabta. Labadan markab ee weerarka lagu qaaday ayaa mid ka mid ahi uu yahay Markab ay laga leeyahay dalka Norway oo ah kuwa shidaalka qaada.
Ciidamada badda ee dalka Maraykanka ee saldhigoodu yahay dalka Bahrain ayaa eegaya xaalada maraakiibtan ay dhibaatadu ku qabsatay gacanka Oman kadib markii ay maraakiibtaasi ay baaqyo soo gaadhsiiyeen.
Labadan Markab ayuu weerarku ku qabsaday xili ay marayeen marinka Hormouz, waxaana dawlada Iran ay sheegtay in labadaasi markab laga daad gureeyey 44 shaqaale ah oo iyagu saarnaa maraakiibtaasi shidaalka ee weerarka la kulantay.
Maaha markii ugu horaysay ee weeraro lagu qaado maraakiib shidaal oo maraya biyaha dalalka Gacanka Carabta, waxay ahayd 12-kii bishii May markii Afar markab oo shidaal siday oo laba ka mid ah laga leeyahay dalka Sucuudiga weerar loogu geystay xili ay marayeen xeebta dalka Imaaraadka Carabta.
HORN CABLE TV,
WAAXDA ONLINE-KA.