Somali News

Cilmi-Baadhe Amerikaan Ah Oo Kaynta Galay Markii Trump La Doortay

By Ahmed Cige

June 16, 2019

Brazil (HCTV) – Glenn Shepard oo ah Cilmi-baadhe dhanka Daawooyinka ah ayaa u firxaday Kaymaha Dalka Brazil, waxaanu hadda ku raaxaystaa Dhawaaqa Daanyeerrada halkaasi ku nool.

Glenn Shepard oo Cilmi-baadhe Maraykan ah ayaa sannadkii 2016-kii qaaday Tallaabada uu Magaalada kaga firxaday ee uu Kaymaha Brazil u degay, waxaanu ka jawaabay su’aalo laga waydiiyey waxa ku kelifay arrintan

Aqoonyahanka ayaa si layaab leh uga jawaabay su’aalaha la waydiiyey, isagoo muujinaya in doorashada Madaxda Dunida qaarkood ay Mushkilad ku soo kordhiyeen koomka “Xilligaa waxa dhacay Brexit (Ingiriiska ayaa a baxay Midowga Yurub), waxa la doortay Donald Trump, waxaan qabey appendicitis oo u dhowayd inay i disho, Saaxiibkay Cornelio wuu dhintay.” ayuu yidhi, Glenn Shepard, waxaanu intaa ku daray “Sannadkaa waxa jiray nooc murano diimeed ah..”

Wuxuu sheegay in markii uu degay Kaynta Brazil uu iloobay Adduunka intiisa kale “Halkan (Markaan imid) waxaan iloobay Adduunka iyo khatartiisii..” ayuu yidhi, isagoo intaa raaciyey inuu sida Carruurta ugu raaxaysto Kaynta iyo dhawaaqa daanyeerrada.

War-bixinta ku saabsan Nolosha Ninkan Ameerikaanka ah oo uu daabacay Wargeyska Financial Times oo HCTV soo xigtay, ayaa intaa ku daray in Mr. Glenn Shepard uu Maalmahan la shaqaynayo Qabiilka deggan Kaynka uu ku nool yahay oo Magaciisu yahay Kayapó “Waxay leeyihiin Hibooyin dabiici ah” ayuu yidhi, isagoo filim ahaan u duubaya Macaamilkooda.

Dhanka kale, Glenn Shepard ayaa wer-wer ka qaba Kaynta Amozon, tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro, 2018.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka